3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2020
Soomaaliya oo lumin karta xuquuqda codbixinta UN-ka haddii aysan bixin deynta lagu leeyahay oo dhan $1.5m
 

Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Soomaaliya ayaa halis ugu jirta inay lumiso codkeedii golaha guud ee Qaramada Midoobay, haddii aysan ilaa bisha Sebtember ee sannadkan bixin amaahdii ay ku lahayd Qaramada Midoobay.

Golaha Guud ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii hore ka badbaadiyay Soomaaliya, Comoros iyo Sao Tome iyo Principe in ay codkooda ka waayaan golaha. laakiin wuxuu amar ku siiyay inay haystaan illaa dhamaadka kalfadhiga 74aad ee dhacaya bisha Sebtember.

Golaha ayaa go’aaminaya in Comoros, Sao Tome iyo Principe iyo Soomaaliya loo oggolaan doono inay ka codeeyaan Golaha Guud illaa dhammaadka kalfadhiga toddobaatan iyo afaraad.

Qodobka 19aad ee Axdiga Qaramada Midoobay wuxuu dhigayaa in xubin ka mid ah golaha oo deyn lagu leeyahay ay la mid tahay inuu lumiyo codkiisa Golaha Guud.

Si kastaba ha noqotee, wadamada aan awoodin inay ka soo baxaan waajibaadkooda lacageed oo ay ugu wacan tahay duruufaha ka baxsan maamulkooda waa laga dhaafi karaa.

Sida ku xusan warqad ku taariikhaysan 7-da Janaayo 2020 oo ka soo baxday Xog-hayaha Guud loona gudbiyey Madaxweynaha Golaha Guud, waddamada deynta lagu leeyahay ee ay ku jirto Soomaaliya , ayaa la faray in ay hoos u dhigaan daynta lagu leeyahay, si ay uga sare maraan qiimaynta labadii sano ee la soo dhaafay (2018 iyo 2019).

Waraaqda waxay tilmaamaysaa in Soomaaliya ay tahay in ay bixiso $ 1, 451 951 si ay u soo celiso amaahda ugu yar ee la aqbali karo.

Qaramada Midoobay waxay horey u xayirtay codbixinta toddobo dal xuquuqdooda, kadib markii ay bixin waayeen lacagihii lagu lahaa, waxayna kala yihiin: Bartamaha Afrikada Dhexe, Gambiya, Lubnaan, Lesotho, Tonga, Venezuela (Jamhuuriyadda Bolivaria) iyo Yemen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/11/2020 3:36 PM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Sharci dejiyaasha dimoqraadiga iyo kooxaha xuquuqda madaniga ah ayaa si weyn u hadal haya qorshooyinka Aqalka Cad ku doonayo in uu ballaariyo xayiraada safar ee lagu bartilmaameedsanayo waddamada muslimiinta ah ee aqlabiyadda ku leh dalal dhowr ah.

1/11/2020 2:17 PM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goob joog u noqday maanta dhaarinta xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug

1/11/2020 8:55 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulankii dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Eritrea, waxaana ay soo saareen War wadajir ah oo siddan u qornaa:

1/11/2020 8:25 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan Aw- Cusmaan ayaa sheegay in ay maanta maxkamada sare ku wareejiyeen dhaxal koobka marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan, oo ahayd gabadh 13-jir ah oo loo geystay kufsi iyo dil ka dhacay Gaalkacyo, bilowga sannadkii hore.

1/11/2020 8:02 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la horgeyay sharciga doorashooyinka Qaranka kaasi oo ay marsiiyeen aqrinta koowaad.

1/11/2020 7:05 AM EST
Sabti, Janaayo ,11, 2020 (HOL)–Suxufi Cabdiqaadir Cismaan Casayr (Cabdiqadir Coday) ayaa maanta maxkamadda gobolka Maroodi jeex ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo saddex milyan oo Somalilandshiling oo ganaax ah.

1/11/2020 6:57 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-Haitham bin Tariq Al Saciid oo ay ilmo adeero ahaayeen Boqorkii Cuman ayaa loo dhaariyay in uu badalo Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid.

1/11/2020 5:47 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Nin qirtay inuu katirsanaa Alshabab ayaa galay kaniisad ku taal Mombasa ee dalka Kenya. Maxkamad ayaa amartay in ninka la hayo 10 maalmood iyadoo lagu sameynayo baaritaan.

1/11/2020 1:33 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Maxkamada sare ee Puntland, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay halka uu marayo fulinta xukunkii dilka ahaa ee lagu riday saddex nin oo ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd gabadh 13 jir ah, oo falkaas loogu geystay Gaalkacyo, sanadkii hore.

1/11/2020 12:56 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-Dowlladda Iiraan ayaa sheegtay in ay si aan ula kaceyn ciidamadeedu u soo rideen diyaarad laga lahaa dalka Ukraine

1/11/2020 12:50 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Dowladda Cumaan ayaa ku dhawaaqday in uu geeriyooday Qaabuus Binu Saciid oo ahaa hoggaamiyihii guud ee dalkaasi.

1/11/2020 12:37 AM EST
Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL) –Dowladda Kenya oo ayaa sheegtay in ayfoojignaan dheeraad ah ka qabaan weerarro kale oo uga yimaada xoogagga Ururka Al-shabaab iyadoo heegan buuxa galisay ciidamadeeda.