4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2020
Xildhibaannada cusub ee Galmudug oo la dhaariyay

 

Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goob joog u noqday maanta dhaarinta xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug

Hasse ahaatee arintan waxaa dhankiisa cambaareeyay oo sharci darro ku tilmaamay madaxweynaha xiligan ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaannadan ayaa shaqada ugu horreysa ay  ka qabanayaa tahay sidii ay u soo doorran lahaayeen Guddoonka cusub ee Baarlamaanka oo laga sugayo in uu soo magacaabo Guddiga doorashada madaxweynaha.

Ahlu Sunna ayaa Baarlamaankan ku leh 20 xildhibaan halka inta soo hartay ee kalana waxaa laga soo xulay qeybaha kala duwan ee beelaha degga deegaannada Galmudug.

Laakiin qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya faragalin weyn ku laheyd habka soo xulista xildhibaannada oo ay sheegeen in aan wax la tashi ah lagala sameynin.

Degmada Dhuusa-Mareeb oo halka laga dhaariyay maanta xildhibaannada waxaa ka soconaya olole doorasho oo ballaaran iyadoo ay ku sugan yihiin musharixiin kala duwan oo qaarkood u ordaya in ay qabtaan xilka guddoonka Baarlamaanka halka kuwa kalana u taagan yihiin qabashada xilka madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]