4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2020
Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo maxkamada sare ugudbiyay codsi ku aadan in la qisaaso raggii kufsaday oo dilay Caa'isha Ilyaas
 

Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-  Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan Aw- Cusmaan ayaa sheegay in ay maanta maxkamada sare ku wareejiyeen dhaxal koobka marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan, oo ahayd gabadh 13-jir ah oo loo geystay kufsi iyo dil ka dhacay Gaalkacyo, bilowga sannadkii hore.

Qoraalka dhaxal-koobka oo ka yimid qoyska marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan ayaa lagu caddeeyay in ay qoyska ay codsanayaan in loo qisaaso raggii ka dambeeyay kufsiga iyo dilka loo geystay gabadhooda.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu saxaafada ka sheegay in qoraalkaan ay markii hore filayeen in uu maxkamada sare horyaalo, balse haddii iyaga la sugayay ay maanta gudbiyeen isaga oo dhameystiran.

Aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas ayaa horey warbaahinta uga sheegay in uusan ku qancidoonin wax aan ka ahayn in loo qisaaso dambiilayaasha gabadhiisa kufsaday oo dilay.  

Maxkamada sare ayaa hadda laga sugayaa inay kiiskaas fuliso, iyadoo hadda ay muuqato in ay arrintu kasoo dhamaatay maxkamadaha iyo qoyska dhibbanaha, lana sugayo in la qisaaso dambiilayaasha.

Labo kamid xukumanayaasha sugaya in cadaalada lagu fuliyo, waa walaalo waxaana lagu kala magacaabaa Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, halka midka saddexaadna lagu magacaabo Cabdishakuur Maxamed Dige.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]