4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2020
Golaha Aqalka sare Soomaaliya oo la horgeeyay sharciga Doorashooyinka Qaranka

 

Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la horgeyay sharciga doorashooyinka Qaranka kaasi oo ay marsiiyeen aqrinta koowaad.

Golaha Dhawaan guddi  ka tirsan Golaha Aqalka sare u saaray shircigan doorashooyinka Qaranka oo ay dhawaan meelmariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka.

Guddiggan uu magacaabay guddoomiyaha Aqalka sare ayeey shaqadoodu tahay oo kaliya isku daba-ridka aragtiyada xildhibaannada Golaha.

Inkastoo sharcigan ay horay u meelmariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka haddana dhinaca kale waxaa wali ka taaggan meelaha qaar dood ku saabsan qoddobada ku qoran, gaar ahaan marka la eego suurta-galinimada in dalka ay ka dhici karto doorasho qof cod ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]