4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2020
Maxkamada gobolka Maroodi jeex oo Tifaftirihii Telefishanka HCTV Cabdiqaadir Codey xukun ku riday

 

Sabti, Janaayo ,11,  2020  (HOL )–Suxufi Cabdiqaadir Cismaan Casayr (Cabdiqadir Coday ) ayaa maanta maxkamadda gobolka Maroodi jeex ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo saddex milyan oo Somalilandshiling  oo ganaax ah.

Wariye Cabdiqaadir Codey ayaa ah tifaftiraha Telefishanka HCTV waxaanu muddo laba bilood ku dhow ku xidhnaa xarunta Dambi baadhista ee magaaladda Hargeysa, waxaana lagu haystay laba war oo laga baahiyey telifishankaaasi.

Mudadii uu xidhnaa cabdiqaadir coday dhawr goor oo is xig xiga ayaa xanuun loo geeyay Dhakhtarka .

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.