4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2020
Iiraan oo sheegtay in ay mas'uul ka aheyd burburka diyaaradii Ukraine Airlines

 

Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)-Dowlladda Iiraan ayaa sheegtay in ay si aan ula kaceyn ciidamadeedu u soo rideen diyaarad laga lahaa dalka Ukraine

War laga sii daayay ama laga baahiyay saakay saakay ayaa lagu sheegay in falkani uu ku dhacay oo  burburka diyaarada uu ka dhashay"khalad uu bina'aadam sameeyay ".

Dadkii mas'uulka ka ahaa ayaa lala xisaabtami doonaa, sida bayaan laga baahiyay telefishinka lagu sheegay, Iran ayaa horey u diiday warar sheegayay in diyaaradda ay soo dhacday ka dib markii uu haleelay gantaal ay Iiran riday.

Diyaaradda oo laga lahaa Ukraine ayaa waxay burburtay Arbacadii waxaana ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo dhanaa 176.

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay horey u sheegay in diyaarada ku dhacday Iran uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidanka dalkaas.

Caddeymo ay heleen dalalkaas ayaa muujineyay in gantaal  ay riday Dowladda Iiran uu soo riday diyaaraddii Ukarine ee ay saarnaayeen dadka rayidka ah, taas oo ku dhacday duleedka caasimadda  Tehran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]