Sabti, Janaayo, 11, 2020 (HOL)- Dowladda Cumaan ayaa ku dhawaaqday in uu geeriyooday Qaabuus Binu Saciid oo ahaa hoggaamiyihii guud ee dalkaasi.
Suldaanka ayaa dalkaasi xukumaayay 50 sano, isagoo sannadkii 1970kii Afgembi xilka kagala wareegay Aabihii. Muran badan ayaa ka taagan cidda badali doonta boqorka,maadaama uusan dhalin wax caruur ah, waxaana Sharcigga dalkaasi uu dhigaya in cidda boqorka ay iska soo xulaan qofka badali doona.Saddex maalmood oo baroordiiq ah ayaa lagu dhawaaqey, sidoo kale 40 maalmood ayaa calanka hoos loo dhigayaa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]