4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhiggiisa dalka Eritrea

 

Jimco, Janaayo, 10, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki,.

Labada Madaxweyne oo kulan saacado socday ku qaatay Madaxtooyada Asmara ayaa iska xog-waraystay dadaallada wadajirka ah ee labada dal ay ku xoojinayaan xiriirkooda walaaltinimo iyo xaaladaha u danbeeyey ee la xiriira xasilloonida amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Gobolka.

Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga wehelinaya aqbaaladda martiqaadka uu u fidiyey, isagoona tilmaamay in is-dhaafsiga booqashooyinka heer Madaxeed ee Soomaaliya iyo Eritrea ay adkeysay kalsoonida iyo  wax-wada-qabsiga labada dowladood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaciisa uga  mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka  Eritrea  soo dhaweynta diirran  iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo  wafdigiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]