4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya oo u anbabaxay dalka Eritrea

 

Jimco, Janaayo, 10, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay u ambabaxeen magaalada Asmara ee Caasimadda dalka  Eritrea.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka sii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka  Soomaaliya, waxaana la filayaa in halkaas ay wada hadallo lagu xoojinayo  xiriirka labada dal kula yeeshaan madaxweyne Isaias Afwerki.

Dowladda Ereteriya ayaa kamid ah dowladaha saaxiibada dhow la noqday dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo ku wada jira Isbaheysiga saddex geesoodka ee  Eritrea iyo Itoobiya ee is dhex galka iyo Iskaashiga Gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tira ka dhowr jeer ah  waxaa uu tegay dalka Ertirea, isaga oo kulamo kala duwna la qaatey Madaxda dalkaas,waxaana jira iskaashi dhinaca Gobolka ah oo xilligan ka  dhaxeeya dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo  Eritrea

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]