4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2020
Shaqaalaha Farsamo-yaqaanada Somaliland oo cabasho weyn ka muujiyey shirkada Isgaadhsiinta ee TELESOM

 

Jimco, Janaayo ,10, 2020 (HOL )–Shaqaalaha farsamayaqaanada ah ayaa cabasho ka soo jeediyey adeeg cusub oo shirkada isgaadhsiinta e TELESOM dhowaan bilowday.

Farsamayqaanadan dhismayaasha ayaa sheegay in shaqadoodii ay doonayso shirkaddu inay qabsado, isla markaana dad ajanabi ay doonayso inay adeegan cusub ku xidho, taas oo wax u dhimaysa shaqadoodii.

“Shirkada TELESOM way soo dhaaftay xayndaabkeedii oo waxaa ay soo gashay shaqadayadii dhismaha, hore waxay ula wareegtay sarifleayashii, takaasidii, warbaahintii, imikana waxay usoo dhigatay shaqaalihii dhismaha, marka waxaanu leenahy cidii ay khuseysa ha naga qabato”ayu yidhi mid ka mid ah xoogsatada gobolka Maroodi jeex

“Shirkadda waxaanu leenahay shaqadayada faraha ka qaad, waxaanu yeeli doona waanu garanaynaa ee imika digniin baanu siinayna”ayuu yidhi muwaadin kale.

 

“Waxaan ahay macmiil shirkad ah, waxaan isticmaalaa telefiinkeeda, internetkeedda, wararkeedda iyo xayeysiisyada baahiso, anigoo sidaas u ah macmiil inay shaqaydi igu timaada xaq umalaha ee haday doonayso inay wax kale qabato dhagaxa iyo rinjiga ha maalgaliso kuwaas baan uga baahi badan nahee”ayuu yidhi Maxamed Caydiid.

Shirkadda TELESOM ayaa dhowaan soo kordhisay adeeg cusub oo xoogsade la yidhaahdo taas oo mobilekaaga ku dalban karto farsamayaqaanka aad u baahan tahay, haday tahay Nijaar, wasdaad, Rinjiile iyo xirfadle kasta oo aad u baahan tahay oo lagu ururiyey telefoonadoodii, taas oo aad soo wici karto.

Adeegan waxa si weyn uga hor yimid farsamoyaqaanadii wadanka kuwaas oo u arkay in dad gaar ah lagu ururiyey adeega, isla markaana suuqoodii meesha laga saarayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.