4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2020
Madaxwaynihii Jaamacadda Diridhabe oo xilkii laga qaaday
 

Jimco, Janaayo, 10, 2020 (HOL)- Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxday Wasaaradda Tacliinta sare iyo Sayniska ee fadaraalka waxaa xilkii laga qaaday Dr Yared Mamo oo ahaa Madaxwaynihii Jaamacadda Diridhabe.

Lama sheegin waxa sababay xilka qaadistan Madaxwaynihii hore ee Jaamacadda Diridhabe, balse waxaa jiray in si guud looga tallaabo qaadayay maalmahan arday iyo masuuliyiinta qaar kamid ah Jaamacadaha dalka, kuwaas oo lala xiriirinayo dhibaatooyinkii Jaamacadaha ka dhacay.

Jaamacadda Diridhabe ayaa wakhti xaadirkan xidhan oo haba yaraatee aysan waxbarasho ka socon marka laga reebo 6 arday oo heerka Master-ka dhigta.

Jaamacadda ayaa waxaa si kumeel gaar ah Madaxwayne uga sii ahaan doonta Dr Ubax Adan oo markii hore ahayd ku xigeenka Jaamacadda.

Hiiraan Online