3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2020
Ciiidamada Dowladda oo howlgal ka bilaabay gobolka Jubbada Hoose

 

Jimco, Janaayo, 10, 2020 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbalanad howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka bilaabeen deegaanno hoostaga magaalada Kismaayo.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka maalintii shalay howlgal  ay ka sameeyeen deegaan lagu magacaabo Yaaq Bishaaro oo hoostaga degmada Kismaayo ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Intii uu howlgalku socday ayaa la sheegay in uu dhacay iska horimaad dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab oo markii danbe lagala wareegay fariisimo ay ku sugnaayeen.

Al-Shabaab dhinacooda wali ka hadal weerarka ciidamo is garabsanaya ay sheegeen in ay ku qaadeen deegaankooda Yaaq Bishaaro iyo xoogagga la sheegay in looga dilay iska horimaadka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 

 
 













Click here
1/10/2020 2:51 PM EST
Jimco, Janaayo, 10, 2020 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa riixaysa dib u cusbooneysiinta wada hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo sanado ah aan iskugu imaan miiska wada hadalka.

1/10/2020 12:55 PM EST
Jimco, Janaayo, 10, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki,.

1/10/2020 8:37 AM EST
Jimco, Janaayo, 10, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.

1/10/2020 7:49 AM EST
Jimco, Janaayo, 10, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay u ambabaxeen magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea.

1/10/2020 6:31 AM EST
Jimco, Janaayo, 10, 2020 (HOL)- Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay xubnaha cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

1/10/2020 5:23 AM EST
Jimco, Janaayo ,10, 2020 (HOL )–Shaqaalaha farsamayaqaanada ah ayaa cabasho ka soo jeediyey adeeg cusub oo shirkada isgaadhsiinta e TELESOM dhowaan bilowday.

1/10/2020 2:42 AM EST
Jimco, Janaayo, 10, 2020 (HOL)- Puntland ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku caddeynayso mawqifkooda ku aadan hindise-sharciyeedka shidaalka Soomaaliya ee ay dhowaan ansixiyeen golayaasha Dowladda Federaalka ah.

1/10/2020 2:33 AM EST
Jimco, Janaayo, 10, 2020 (HOL)- Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxday Wasaaradda Tacliinta sare iyo Sayniska ee fadaraalka waxaa xilkii laga qaaday Dr Yared Mamo oo ahaa Madaxwaynihii Jaamacadda Diridhabe.