Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)- Senatarada aqalka sare ee kasoo jeeda degaanada dowlad goboleedka Puntland, ayaa faarujiyay kulamada aqalka sare ee ka socda magaalada Muqdisho.
Warbaahintu macluumaad rasmi ah kama helin arrimtaan. guddoomiyaha aqalka sare oo wax laga weydiiyay maqnaashahooda waxaa uu sheegay inaanu jirin wax cudurdaar ah oo ay soo gudbiyeen wakiilada Puntland.
HOL, oo xog ka heshay arrintaan, ayaa ku ogaatay in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ka dambeeyo tilaabadaan, kadib markii uu ka codsaday senatorada Puntland in ay isaga baxaan kulamada aqalka sare, islamarkaana ay muujiyaan halka ay ka taagan yihiin khilaafka ka dhex taagan Puntland iyo dowladda federalka Soomaaliya
Senatorada Puntland ayaa horey mar sidaan oo kale ah uga baxay kulamada aqalka sare, kadib markii ay caroodeen meel marinta sharciga batroolka Soomaaliya oo uu maalintii shalay saxiixay madaxweyne Farmaajo.
Senatoradu waxay sharcigaan ku tilmaameen in qaladaad badan oo halis ah ay ku jiraan, dalkana uu galin karo dagaal sokeeye.