Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)-Labadii sibuuc ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan kaa soo ay sheegeen inuu ka baxsaday xabsi lagu hayay.
Dad badan waxay su'aalo iska weydiinayeen sida ay ku dhacday in Cabdirashiid uu baxo faraha dowladda federaalka.
Janan,
oo aan warbaahinta la hadlin tan iyo markii uu ka tagay Muqdisho, ayaa
markii ugu horreysay BBC-da uga warramay qaabkii ay ugu suurtagashay
inuu ka fakado xabsiga lagu ilaalinayay.
"Sida uu horayba sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliya
bulshada ugu caddeeyay, aniga xabsi la ima geynin. Markii garoonka
diyaaradaha la iga qabtay, waxaa i qabtay niman boolis ah oo labisan iyo
niman dharcad ah oo isla socda, mid ka mid ah dharcadka ayaana amrayay
ciidanka", ayuu yiri.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu BBC-da u
sheegay in xaafado caadi ah lagu hayay intii uu ku jiray gacanta
ciidamada dowladda Federaalka.
"Markii la i qabtay kaddib waxaa la
i geeyay xaafad aad u fog, oo markii dambe aan gadaal ka fahmay inay
ahayd degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Muddadii shanta bilood
ahayd ee la i hayay, maalinba waxaa la i geynayay guri xaafad ka tirsan
ilaa ugu dambeyntii la i keenay guri ku yaalla xaafadda Shibis,
halkaasoo aan muddo 7 cisho ah ku sugnaa.
Janan aya ka hadlay qaabkii loola dhaqmay intii gacanta lagu hayay.
"Aniga
iyo niman askar ah oo dhowr iyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay
dad shacab ah u dhisteen si gaar ah, halkaas ayaana la igu hayay. Runtii
askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo ka baxsan amarrada la
siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay xumaan
farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen
inay fuliyaan".
Cabdirashiid Janan ayaa dhanka kale faahfaahiyay sababihii loo sheegay in loo xiray.
"Markii
ugu horreysay waxaa la ii sheegay in sababta la ii xiray ay tahay dalab
ku aaddanaa inaan dowladda Federaalka ku wareejiyo ciidamo 1000 askari
ah oo daraawiish ah, laakiin ma aqbali karin arrintaas, balse aniga
waxaan fahansanaa in la ii xiray arrimo ku saabsan doorashadii ka
dhacday Kismaayo, waxaana la igula kaftamay in la iga daba keeni doono
madaxweyne Axmed Madoobe", ayuu yiri.
Hase ahaatee, dowladda
Soomaaliya ayaa horay u beenisay in arrimo siyaasadeed loo xiray Janan,
laakiin waxay shaacisay in loo heystay eedeymo ku saabsan tacaddi
bani'aadannimo.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay dowladda Kenya in ay gacanta ku soo dhigto Cabdirashiid Janan sidoo kale waxaa codsaday in la soo qabto hay'adda Amnisty International.
BBC