4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2020
Xubin ka mid ah guddida doorashooyinka Somaliland oo is casilay

 

Isniin, Febraayo 03, 2020 (HOL )– Xasan Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa guddida doorashooyinka Somaliland ayaa mar dhowayd iska casilay guddidaasi si ay u qabsoonto doorashooyinkii mararka badan dib u dhacday.

Xubintan iska casilay guddida doorashooyinka ayaa ahaa xubintii uu xisbiga UCID u magacaabay guddida, waxaanay sheegeen in danta dalka iyo dadka darteed uu iskaga casilay.

“Waxaan go’aansaday in aanan qayb ka noqon in dimuqraadiyada Somaliland mugdi gasho, markaan arkay caqadaha  hor istaagay in doorashooyinku qabsoomaan iyo hab raaci dimuqraadiyada inaan u fududeeyo dalkayga iyo dadkayga oo ka qayb noqdo xalka u horseedaya  inay doorashooyinku dhacaan taas oo somaliland ku soo caano maashay, waxaana tixgalinaya codsigii nooga yimid xisbiyada”ayuu yidhi Xasan Yuusuf Ducaale.

Waxaanu ka codsaday xubnihii kale inay is casilaan “Waxaan ka codsanaya xubnaha kale inay u dhego nuglaadan codsigi xisbiyada uga yimid ee ahaa inay is casilaan maadaama oo aanay jirin cid ay doorasho u qabanayaan.”

Guddidan doorashooyinka waxa ka hor yimid xisbiyada mucaaradka, madaxweynuhu waxa uu sheegay in aanu awood u lahayn inuu kala diro illaa ay is casilaan mooyee, waxaanay xisbiyadu ka dalbadeen inay iskood isku casilaan si ay u qabsoonto doorashooyinkii mudadda badan la filayey inay dhacdo ee golaha Wakiilada iyo deeganka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.