BIIXI“Ciidanka qaranku maanta iyada oo aan la ina ictiraafin ayuu ka xoog weyn yahay ciidamada kuwa la ictiraafay ”
Axad, Febraayo 02, 2020 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Xus ballaadhan oo loo sameeyey Sannad-guurada 26-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Militeriga Somaliland.
Madaxweynuhu intaanu gaadhin goobta xafladdu ka qabsoontay waxa uu
kormeer iyo xadhig ka jarid ku maray miiska saraakiisha ciidanka qaranka oo
lagu soo kordhiyey xarumo muhiima oo ay ka mid yihin qaybta jidh dhiska
saraakiisha iyo dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey cusbitaalka Ciidanka qaranka
ee Birjeex.
Waxaanu u soo gudbay Munaasibadda dabbaal-degga sannad-guurada 26-aad ee
Aas-aaska ciidanka qaranka Somaliand oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee
ciidanka Militeriga oo ay madaxweynaha kala qaybleen shir-guddoonka golaha
wakiillada, wasiirada wasaaradaha gaashaandhigga, arrimaha gudaha, warfaafinta,
dhaqanka iyo wacyigelinta, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga,
horumarinta biyaha, badhasaabka gobolka maroodi-jeex, maayar ku xigeenka
caasimada, qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee dalka soo maray,
taliyayaasha iyo hoggaannada kala duwan ee ciidamada qaranka, xubno kamid ah
golaha wasiirrada, madax ka socotay axsaabta qaranka, madaxda safaaradaha
dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ay Somaliland ku leeyihiin, saraakiil ka socota
dalka Ingiriiska iyo Itoobiya, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale oo
tiro badan, waxana madasha ugu horrayn lagu soo bandhigay masraxiyad ku qotonta
dedaalka iyo kaalinta lama illaawaanka ah ee ay ciidanka qaranku kaga jiraan
guud ahaanba dalka iyo horumarkiisa.
Taliyaha ciidanka Militeriga Somaliland Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil
Taani oo munaasibadda xuska Aas-aaska sannnad-guurada 26-aad ka hadlay, ayaa ku
dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen ciidanka qaranka, guulaha
ay gaadheen iyo dedaalka ay ugu jiraan sidii ay uga mid noqon lahaayeen
ciidamada ugu awoodda badan gobolka geeska Afrika.
“Laga soo bilaabo sannadkiisii
koowaad ilaa maanta oo uu 26-jirsaday wuxuu ciidanka qaranku heegan u ahaa
difaaca qarannimada lama taabtaanka ah ee Somaliland, waxana uu diyaar u yahay
inuu u huro naftiisa qaaliga ah, wuxuuna ku tallaabsaday fidinta maamulka
dawliga ah, sidii uu u sugi lahaa dhammaanba xuduudaha Somaliland iyo
gacansiinta ciidamada kale iyo hay’adaha kale ee dawliga ah marka ay sugayaan amniga
qaranka iyo gacan siinta dadweynaha marka ay timaaddo xaalad degdeg ahi.”ayuu
yidhi taliye Nuux Taanni.
Wasiirka wasaaradda Gashaandhigga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid)
ayaa isna bogaadiyey guud ahaanba ciidanka qaranka, saraakiishooda, dablayda iyo
xaasaskooda, waxana uu xusay inuu ciidanku Astaan u yahay qarannimada iyo
dawladnimada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ciidanka qaranku
waxa uu astaan u yahay midnimada qaranka, taas oo ka turjumaysa dhammaanba
ummadda reer Somaliland, sida Distuurka iyo xeerarka ku xusanna waxa uu
ciidanku leeyahay mabaa’dii iyo waajibaad qaran, waxana uu u xilsaaran yahay
difaaca madax-bannaaniada Somaliland.”
Intaas ka dibna waxa hadalka qaatay madaxweyne Biixi oo ugu horeyn u hambalyey ciidanka qaranka,
ubadkooda iyo xaasaskooda, waxana uu ku dheeraaday duruufihii iyo marxaladihii
ay soo mareen ciidanka qaranka Somaliland oo haatan ah cudud ku filan difaaca
qarankiisa.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay inay ciidamada qaranku guteen
waajibkii saarnaa, islamarkaana iskaashiga iyo wada-shaqaynta dhexdooda ahi
keentay inuu qarankani guulaysto.
“Ciidanka qaranku maanta iyada oo aan la ina ictiraafin ayuu ka xoog
weyn yahay ciidamada kuwa la ictiraafay, ka Edaab wanaagsan yahay oo ka adkaysi
badan yahay, ciidamada qalabka sida ee kala duwan dhammaantood waxa uu qaranku
ugu mahadnaqayaa iskaashi amni iyo xilkii la saaray inay guteen, maantana waxa
si wacan u wada shaqaynaya oo isku xidhan ciidanka qaranka, ka Booliska, ka
asluubta, ka socdaalka, ka badda iyo ka wardoonka oo haddii ay isku baahdaan
daqiiqado dhexdood ku xidhiidha,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Waxa uu intaas ku daray “Adduunyada ninna magac buu u joogaa, ninna
dheef buu u joogaa, Ciidamada qaranku waxad ogaataan inay magac doontaan,
dalkana wax uga tagaan oo aanay dheef doonin, waanan ku hambalyeynayaa
doorashadooda.”
Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu billad-geesi guddoonsiiyey labada
taliye qaybeed ee 31aad iyo 12aad ee Ciidanka qaranka Somaliland, Gashaanle
Sare Cismaan Faarax Cawaale (Doolaal) iyo gashaanle sare Axmed Hurre Haariye oo
muddadii ay shaqaynayeen muujiyey adkaysi, shaqo-wanaag iyo masuuliyad, waxaanu
madaxweynuhu xusay in ay diyaarinayaan bixinta 750 bilad geesi oo isugu jira
dahab iyo qalin.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.