3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2020
Hay’adda Puntland u qaabilsan baarista danbiyada hidasidaha DNA oo kala saartay 50 carruur ah oo la isku haystay
 

Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Hay’adda Puntland u qaabilsan baarista danbiyada hidasidaha DNA  iyo Raadadka faraha ee loo yaqaano Forensic Science, ayaa sheegtay in ay kala saartay 50 carruur ah oo ay isku haysten dad sheeganayay inay dhaleen.

Agaasimaha hay’addan Dr.Cabdirashiid oo BBC la hadlay ayaa sheegay kala saaristaan in ay u mareen adeegsiga paternity testing oo ah, Tijaabada aabanimada DNA, si loo go'aamiyo bal in shaqsigu yahay waalidka dhalay iyo in kale.

“Waxaanu qabanay oo aan kala saarnay illaa iyo hadda dad isku haystay 50 carruur ah. Waxaa naloo keenay carruur ay su’aal ka taaganayd cidda dhashay,” ayuu yidhi DR. Cabdirashiid, agaasimaha Puntland Forensic Science.

Dr.Cabdirashiid waxa uu tilmaamay in ay baaritaankaan 100% u adeegsadeen habka loo yaqaano “STRs” oo ah isbarbar dhigga ku celcelisyada halbeegga DNA, oo ah marka la rabo in la kala saaro laba qof ama in kabadan.


Wuxuu sheegay inay ku guulaysteen in natiijo sax ah ay kasoo saareen carruurtii su’aaluhu ka taagnaayeen ayna sheegeen waalidka dhalay iyo waalidka aan dhalin.

“Runtii, maxkamaduhu way aqbaleen in loo keeno caddeymaha ku saleysan DNA, waxay kaloo aqbaleen in go’aan lagu qaato. Waxaan kaloo aad ugu faraxsanahay in dadweynihii ku qanceen natiijada aan soo saarnay,” ayuu yidhi.

Puntland Forensic Science waa xaruntii baartay oo kala caddeysay dadkii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan.

Puntland ayaa ah meesha kaliya ee Soomaaliya laga hirgaliyay xaruntaan oo muhiim u ah baaritaanka danbiyada hidasidaha DNA  iyo Raadadka faraha ee loo yaqaano.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/15/2020 9:04 AM EST
Sabti, Febraayo 15, 2020 (HOL )– Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ku baaqay in madaxweynaha Somaliland cadeeyo waxay ku soo wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya iyo waxa lagu soo heshiiyey ee kaligood ku soo wada hadleen.

2/15/2020 8:11 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, Maxamed Xareed Faarax, ayaa sheegay in muddo todobaad ah dib loo dhigay dhegaysiga dacwada eedeesanayaal loo haysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Hodan Axmed Shanlayste.

2/15/2020 7:28 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Barlamaanka dalka Ethiopia ayaa khamiistii meel mariyey sharci dhigaya in xabsiga la dhigo dadka bogaggooda internet-ka ku faafiya wararka nacaybka.

2/15/2020 1:43 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)- Midawga Yurub ayaa bilaabay 5,7 milyan oo yuuro mashruuc ah oo lagu taageerayo Wasaaraddaha Waxbarashada ee Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo sidii loo gaarsiin lahaa waxbarasho tayo leh oo loo dhan yahay oo loogu talagalay dadka.

2/15/2020 1:36 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale ayaa sheegay in dowladdu qorsheyneyso dhawaan in la qaado dhamaanba Dhagxaanta ku ku xiran jidadka magaalada Muqdisho

2/15/2020 12:36 AM EST
Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)-Yuusuf Cismaan Samatar (Bardacad) oo ahaa ruug cadaa wax badan ka soo qabtay siyaasadda dalka Soomaaliya, xabsi dheerna ugu xirnaa dowladd Maxamed Siyaad Barre, ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka.