3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2020
NUSOJ iyo Machadka Warbaahinta Aljazeera oo Muqdisho ku soo gabagabeeyay tababbar loo qabtay suxufiyiinta telefishinnada ka howlgalla


Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Machadka Warbaahinta ee Aljazeera (AJMI) ayaa caasimadda Muqdisho ku soo gabagabeeyay tababar socday muddo 5 maalmood ah oo loo qabtay suxufiyiinta ka howlgalla telefishinnada.

Tababarka oo diiradda lagu saaray horumarinta dhallinyarada suxufiyiinta ah ee ka howlgalla telefishinnada oo badanaa aan helin tababbaro caalami ah. Waxaa sidoo kale lagu baray waxyaabaha saldhigga u ah wariyaha xirfadda leh ee telefishinnada ka howlgalla.

Waxaa kalo tababarka muddada uu socday lagu baray suxufiyiin dhallinyaro ah sida ay uga shaqeyn lahaayeen teknolojiyada cusub iyo sidoo kale luuqadda warfaafinta iyo dariiqooyinka loo adeegsado warbixin maalinle ah ee telefishanka iyo wareysiga. Suxufiyiinta waxaa la baray xirfado wax ku ool ah inta lagu gudajiray tababarka.

Tababarka ayaa waxaa qabtay weriye caan ah Aljazeera Media Network Mohamed Adow kaasoo ku amaaney ardayda in ay yihiin saxafiyiin karti  leh. Soo tebinta telefishinka waa mid ka mid ah shaqooyinka telefishanka ugu jirka culus, laakiin xaqiiqdii waa midda ugu xiisaha badan.

“Ujeeddada koorsadan tababarka culus ayaa ah in suxufiyiinta TV-ga ka shaqeeya la siiyo aqoon ay ku horumariyaan xirfadooda warbaahineed ee baahinta iyagoo baranaya qaababka warbixinnada telefishanka. Tababarka waxaa loo qabtay heerar tayo sare leh, ”ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

NUSOJ iyo Machadka Warbaahinta ee Aljazeera (AJMI)  waxay si wada jir ah u wadaan koorsooyin tababaro gaar ah oo loogu talagalay suxufiyiinta Soomaaliyeed si ay u xoojiyaan dhallinyarada iyo hamiga suxufiyiinta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/13/2020 10:11 AM EST
Khamiis, Febraayo 13, 2020 (HOL )– Somaliland ayaa lagu qabtay tartanka geella ugu caanaha badan Somaliland, taas oo loo sameeyey goob lagu tartansiiyo oo geel badan la iskugu keennay.

2/13/2020 9:30 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Shirwaynaha wadatashiga beel-weynta Soomaaliyeed Xawaadle oo socday muddadii u dhexeysay 12-13 Febraayo 2020, laguna qabtay magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay.

2/13/2020 9:05 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya cadaaladda, horumarka, amniga iyo midnimada.

2/13/2020 7:54 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Afrika (Africom) Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku tagay Boosaaso.

2/13/2020 5:36 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13, 2020 (HOL)-Kulan ay soo qabanqaabisay Wasaarradda Qorsheynta dowlad gobolleedka Hirshabeelle loogana hadlayay baahiyaha ka jira deegaannada Hirshabeelle ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

2/13/2020 4:46 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa arbacadii shalay baabi'isay cuno qabatayntii saarnayd shirkaddii xawaaladda ee Al-Barakaat, taasoo xayirnayd tan iyo 2001, kadib weeraradii lagu qaaday daarihii mataanaha Maraykanka.

2/13/2020 3:11 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL) - Hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa maanta sheegtay inay sii kordhayaan weerarada, hanjabaada, cagajuglaynta iyo cabsi gelinta shaqaalaha warbaahinta Soomaaliya.

2/13/2020 3:07 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13, 2020 (HOL)Dad gaaraya 242 qof ayaa maalintii kahor ugu dhintay xanuunka Corona gobolka Hubei ee dalka Shiinaha, taas oo ka dhigan tiradii ugu badneyd oo maalin qura cudurka Corona ugu dhimatay dalkaas.

2/13/2020 1:12 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in markan uu ka dhamaaday sida ay hadalka u dhigeen dulqaadkii ay u hayeen Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Cabdirashiid Xidig oo labaduba sheegtay in ay madaxwweynayaal ka yihiin maamulka Jubbaland.