4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2020
Puntland oo farriin culus u dirtay dadka kufsiyada ku howlan kadib xukunkii maanta la fuliyay
 

Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta dowlad goboleedka Puntland, Cawil Sheikh Xaamid ayaa farriin culus u diray dadka kufsiyada ku howlan, kadib markii maanta cadaaladda la marsiiyay raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Caa’isha Ilyaas Aadan.

Wasiirka cadaalada ayaa sheegay xukunkii maanta la fuliyay in uu muujinayo sida ay Puntland uga go’an tahay in cadaaladda la horgeeyo cid waliba oo kufsi geysata.

Kiiskaan oo qaatay muddo sanad ah, ayuu wasiirku tilmaamay in la sameeyay baaritaan dhab ah oo lagu xaqiijinayay dambiilayaasha falkaas geysatay, isagoo sheegay in markasta laga fogaanayay in qof aan dambi lahayn ciqaab lagu fuliyo.

Isagoo ka hadlayay xukumanaha aan dilka lagu fulin, wuxuu sheegay in aabaha dhalay marxuumad Caa’isha Ilyaas inuu isagu codsaday in kiiska dib loo dhigo, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Halkaan ka daawo muuqaalka wasiirka cadaaladda



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]