4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2020
Wasiirka warfaafinta Puntland: Madaxweynuhu wuxuu zero ka yahay inuu xamilo qaladka warbaahinta
 

Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Wasiirka warfaafinta Puntland, Cali Sabarey ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland uu ka dhammaaday dulqaadkii uu u hayay saxaafada , isagoo yidhi” Madaxweynuhu wuxuu zero ka yahay inuu xamilo qaladka warbaahinta.”

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay madaxweyne Deni in uu aaminsan yahay in saxaafada Puntland lasoo dhex galay oo loo adeegsanayo dagaal uu sheegay in lagusoo qaaday jiritaanka Puntland.

Maalmo kahor, Puntland ayaa si aad ah uga carootay muuqaalo arday reer Bosaso oo dalbanayay in ay helaan shahaadada dowladda Soomaaliya bixiso.

Laakiin maalin kadib Puntland waxay cadaadis ku saartay maamulka dugsiga ay ardaydaas katirsanayeen in loo yeero iyaga iyo waalidkood laguna cadaadiyo inay raalli galin ka bixiyaan muuqaalkii horey saxaafadu uga duubtay.

Madaxweyne Deni waqtiyadii ololaha doorashada waxaa uu kamid ahaa murashixiinta ku doodayay in aan cidina la aamusin oo cid walbaa si xor ah afkaartooda usoo gudbin karto, isagoo xukuumadii talada haysay ku dhaleecayn jiray caburin.

Waxaa oraahyadiisiii kamid ahaa,” Waalagasoo baxay casrigii dad yar ay talin jireen. Waxaa la rabaa shacabku inuu codkiisu taliyo. Waxaa la rabaa rabitaanka shacabka in lagu shaqeeyo. Xilligii wax la qaran jiray waa dhamaatay. Codkiina waa shaqeynayaa.”

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo ayaa horey madaxweyne Deni ugu dhaleeceeyay inaanu lahayn dulqaad uu Puntland ku gaarsiin karo nidamka dimuqraadiyada.


Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online