4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2020
Hiiraan '' Colaad in muddo ah u dhaxeysay Labo beelood oo xal laga gaaray

 


Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)-Saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa Booliska Hirshabelle ayaa ku guulaystay in ay xaliyaan colaad in muddo ah ka taagneyd deegaano hoos yimaado degmada Matabaan.

Labada maleeshiyo beeleed ayaa horay ugu dagaalamay deegaano ku dhow degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaas uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Kulan ka dhacay degmada Matabaan oo ay ka qeyb galeen Saraakiil ciidan uu hoggaaminayay Taliyaha Guutada 15aad ee qeybta 21aad ciidanka xoogga dalka Jen. Mascuud Maxamed Warsame iyo odayaasha dhaqanka labada beelood ayaa looga hadlay sidii labada dhinac heshiiska u dhaqan gelin lahaayeen.

Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame taliyaha guutada 15-aad ee Galmudug  ka howlgasha oo shirka furay ayaa waxaa uu sheegay in labada dhinac  looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee dadka  sii kala fogaynaya.

Odoyaasha iyo wax garadka labada dhinaca ayaa dood dheer kadib la isku fahmay in wax walba sharciga lagu dhameeyo, hadda kadibna la iska kaashado sidii ciidamada dowlada lagu garab siin lahaa soo qabashada cid walba oo dil geysata.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]