4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2020
Ra'iisal Wasaare Rooble'' Waxaan diyaar u nahay fulinta heshiisyadii laga gaaray doorashada

 

Isniin, December, 07, 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo maanta ka qeybgalay shirka  Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka ayaa sheegay in xukuumadda uu hogaamiyo mar walba diyaar u tahay fulinta dhamaanba heshiisyadii horey looga gaaray doorashada.

Rooble ayaa sheegay in ay soo dhaweyneynaa aragtida waxdhiseysa ee ka imaneysa dhinacyada oo dhan, isaga oo intaa ku darray in madaxweynaha dowladda Soomaaliya casuumad u fidin doono madaxda dowlad gobolleedyada dalka.

Wuxuu ugu baaqay dhinaca musharixiinta madaxtinimada ee diidan sida ay dowladdu u maamuleyso doorashada in uu ku soo dhaweynayo mar walba wada--hadal isaga oo yiri'' walaalaha daneynaya mustaqbalka madaxweynimada,waxaan leeyahay albaabkeyga wuu idiin furan yahay. Cabashada aad qabtiinna diyaar ayaan u ahay in aan xalliyo," ayuu yiri.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay dhinacyo badan oo ka mid yihiin madaxda dowlad gobolleedyada oo qaarkood dhaliil xoog leh u soo jeediyay dowladda Soomaaliya oo ku eedeeyeen in aysan rabin doorasho loo siman yahay.

Madaxda beesha caalamka ee shirka ka hadlay ayaa dhinacyada oo dhan ugu baaqay in la midoobe lagana heshiiyo wax kasta oo khilaaf ah si loo gaaro halka la wada higsanayo oo ah xasilooni siyaasadeed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]