4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2020
Guddi ay magacaabeen midowga musharixiinta oo kulankoodii ugu horreeyay yeeshay

 

Isniin, December, 07, 2020 (HOL) -  Guddiga oo la baxay ''Guddiga Badbaadada Doorashooyinka Qaranka' oo ay soo magacaabeen midowga musharixiinta ayaa maanta kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Tirada xubnaha guddigan oo dhan 28 xubnood ayaa ka kooban min labo xubnood oo ka kala yimid 14ka musharax madaxweyne ee diidan hannaanka ay dowladdu u mareyso doorashada dalka.

Xubnaha guddiga waxaa ku jiray Wasiirkii hore ee Waxbarashada dowladda hadda jirta Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, siyaasiyiin kala duwan iyo Aqoonyahanno, waxaana ay kulankoodii maanta iska dhax-doorteen guddoomiye oo loo dooray in uu noqdo Yuusuf Xassan Mursan.

Guddiga ayaa marka la eego waxaa uu u muuqdaa mid jawaab u ah guddiyada doorashada ay dowladdu u saartay oo dhawaan laftirkoodu iska dhax-doortay guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa.

Dowladda iyo garabka mucaaradka ayaa u muuqda kuwo aad ugu sii kala fogaanaya dhabaha loo marayo doorasho wadar-ogol ku timaada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]