4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2020
Cabdicasiis Lafta-gareen '' Anniga ma caqabo in arrinta Cabdi Xaanshi caqabad doorashada looga dhiggo

 

Isniin, December, 07. 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo ka mid ahaa madaxdii maanta ka qeybgashay shir dhaxmaray madaxda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa sheegay in uusan caqabad u arag doodda ka taaggan magacaabista guddiyada doorashada gobollada Waqooyi.

Wuxuu sheegay Lafta-gareen in kulankii ugu danbeeyay ee Muqdisho ka dhacay ee heshiiska looga gaaray doorashada marnaba lagu soo hadal qaadin qoddob ah in Cabdi Xaanshi soo magacaabayo guddiyada doorashada ku matala gobollada Waqooyi.

''Annaga waan joognay meel ay heshiiska uga qoran tahay Cabdi Xaanshi ayaa awood u leh in uu soo magacaabo guddiyada doorashada ma jirin, Ra'iisal Wasaaraha ayaa soo magacaabaya ayeey aheyd, Cabdi Xaanshi waa guddoomiyaha Aqalka Sare, Waa siyaasi Soomaaliyeed, waxey aheyd in marka hore heshiiska lagu soo darro in uu isaga soo magacaabayo guddiyada, sidaa daraadeed annigu hadda uma arko in caqabad laga dhiggo.'' ayuu yiri Lafta-gareen.

Wuxuu sheegay in dib u dhac ku yimaada doorashada marnaba mar-marsiiyo loo heli karin dhamaanna tabashooyinka jira la xalin karo iyadoo dhinaca kalana socdaan howlaha doorashada ayuu sheegay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Laftagreen.

Ugu danbeyntii wuxuu sheegay in iyada oo la ilaalinayo  nidaamka dowladnimada dhamaanba cabashooyinka jira laga wada hadli karo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]