4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2020
Axmed Madoobe oo beesha caalamka ka dalbaday in dowladda Federaalka gacantiisa ku soo celiso gobolka Gedo

 

Isniin, December, 07. 2020 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxa'ed Islaam [Axmed Madoobe] oo aalada Internetka uga qeybgalay shir dhaxmaray madaxda Soomaalia iyo beesha caalamka ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Soomaaliya gacanta Jubbaland ku soo celiso gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in marka dib-u-heshiisiin la qabto dowladda ay gacanta Jubbaland ku soo wareejiso gobolka Gedo la qaban karo oo kaliya sida uu hadalka u dhigay doorasho leysla wada-ogol yahay.

''Heshiiskii aan galnay ee doorashada waxaa ka mid ahaa marka hore in dowladdu ciidamadeeda ka soo saarto gobolka Gedo ilaa iyo hadda taa ma dhicin ayuu yiri Axmed Madoobe marka qoddobkaa la fuliyo oo kaliya ayaa la qaban karaa doorasho Jubbaland maamuleyso'' ayuu yiri Axmed Madoobe.

Mar uu soo hadal qaaday arinta ku saabsan in dhankooda aysan wali soo magacaabin guddiyadii laga rabay wuxuu sheegay in guddiyadaasi u magacaaban yihiin, balse marka hore loo baahnaa in wax laga qabto dalabkooda.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali dhinaceeda wax jawaab ah ka bixin cabashada madaxweynaha Jubbaland ee la xiriirta arrinta gobolka Gedo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]