4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2020
Raysal Wasaare Rooble oo shaaciyay inuu safar ku tagayo Puntland iyo Galmudug
 

Isniin, December, 07, 2020 (HOL) - Raysal wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay inuu safarkiisii ugu horeeyay isagoo raysal wasaare ah ku tagayo magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, si uu wada hadal u lasoo yeesho madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo saluugsan hannaanka doorashada.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay inuu Puntland u tagayo sidii loo xallin lahaa tabashada ay qabto islamarkaana wuxuu tilmaamay inuu diyaar u yahay in xukuumadiisa ay dhabarka u ridanayaso culays kasta oo kaga yimaada sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashado loo dhan yahay.

Dhinaca kale, raysal wasaare Rooble ayaa ka hadlay tabashada murashixiinta madaxtinimada , wuxuuna u sheegay in xafiiskiisa u furan yahay inuu xalliyo tabashada cid kasta oo dhaliilsan doorashada,” ayuu yiri.

“Waxaan kaloo leeyahay walaalahay u hanqal taagay doorashada, albaabkayga waa idiin furan yahay, diyaar ayaan u ahay inaan xalliyo tabashadiina. Laakiin mid hala ogaado sharciga iyo dastuurka lagama weyna.

Raysal Wasaare ayaa socdaalo xiriir ah ku tegidoona Puntland, Galmudug iyo Jubbaland, waana safarkiisii ugu horeeyay ee uu ku tegidoono dowlad goboleedyadaas tan iyo markii xilka loo magaacabay dhawaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]