4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 31, 2020
Fannaaniintii Soomaaliyeed ee Geeriyootay sanadka 2020

 

Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) Sanadkan sii dhamaanaya ee 2020 waxaa geeriyooday  fannaaniin caan ka ahaa gayiga Soomaaliya iyo caalamka, qaarkood waxaa ay u dhinteen cudurka dunida faraha ba'an ku haya ee Coronavirus.

Fannaaniintan ayaa qaarkood ku dhintay dalka dibadiisa, halka kuwa kalana ay ku dhinteen gudaha dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay muddo dheer ku xannuusanayeen. 

Waxaa ka mid ahaa fannaaniinta geeriyootay sanadkan

 

24, Jan 2020 waxaa magaalada Jigjiga ku geeriyooday Alle ha u naxariisteen Mulaxankii weynaa ee Soomaaliyeed Daa'uud Cali Masxaf oo ahaa muusiishan siweyn looga garanayay gayiga Soomaaliya oo idil.

Da'uud waxaa uu ka mid ahaa Muusashiinadii udub dhaxaadka u ahaa Hobalada Waabariga isaga oo tumay heeso badan oo caan ka noqday gayiga Soomaaliya oo ay qaateen fannaaniin waaweyn oo luuqdooda aad loo jecel yahay. 

08, April, 2020  waxaa isbitaal ku yaala magaalada London uu u geeriyooday cudurka Coronavirus Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) wuxuu ahaa abwaan, heesaa, laxamiiste caan ku ahaa kabanka waxaana uu ku muteystey magaca "Boqorkii Cuudka".

Wuxuu 8-dii April 2020 cudurka Covid19 ugu geeriyoodey isbitaal ku yaalla magaalada London oo in muddo ah uu ku jiray.

Xudeydi wuxuu ku dhashay magaalada Berbera 15-kii April 1928-kii, waxaana la aasay 15-kii April 2020, oo aheyd maalintii uu dhashay.

Xudeydi ka sakow kabanka uu caanka ku noqday, heesaha uu qaaday iyo kuwa uu allifay, waxaa kale oo lagu xusuustaa sidii uu suugaanta ugu dhiirigalin jiray halgankii xornimo doonka ee ummadda Soomaaliyeed.

 

14. April 2020 waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday madaalihii Hoballada Waabari Cumar Cabdulle Shooli oo ahaa fannaan safka hore kaga jiray fannaaniinta sida weyn loo jecel yahay luqdooda iyo waliba heesahooda intaba.

Waxaa uu ku magacdheeraa '' Madaalihii Hobolada Waabari'' oo dadka yaqaanna ay ku sheegeen in ay ugu baxday sida uu mar walba ugu taagnaa in uu dadka ku madaaliyo codkiisii macaanaa iyo heesihiisii Jeceylka u badnaa oo ay dhalintu waqtiggiisii aad u dhageysan jireen. 

 

05, Jun, 2020 waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u naxariistee mid ka mid ah tiirarkii Qaranka gaar ahaan marka la eego dhinaca fanka Cabdi Tahliil Warsame oo muddo dheer xanuunsanaa, waxaa uu ka mid ahaa fannaaniintii codka layaabka ah laheyd

Waxaa kaloo uu ka mid ahaa fannaaniintii safka hore uga jirtay Hobalada Waabari isaga oo qaaday heeso Jeceyl iyo kuwa wadanni ah oo aan marnaba laga xiiso dhicin gaar ahaan marka la eego luuqda ama codka lagu qaadayo. 

 

19, October, 2020 waxaa magaalada Muqdisho lagu aasay fannaanidii weyneyd ee Hoboladda Waabari Seynab Xaaji Cali Baxsan oo waayadii ugu danbeeyay xanuunsaneyd.

Seynab waxaa ay ka mid aheyd Gabdhaha fannaaniinta ah ee codkooda sida gaar ah markiiba loo garan ogaa waxaana ay heeso badan oo talantaali ah la qaaday fannaaniin waaweyn oo ka tirsan hobalada Waabari. 

 

Iyo ugu danbeyntii  24 bishan December  2020  waxaa dalka Jarmalka isna ku geeriyooday fannaankii weynaa Cabdi Cali Bacalwaan oo sidoo kale ahaa mulaxan, abwaan iyo muusiishan, Cabdi Cali Bacalwaan ayaa la sheegay in uu u dhintay cudurka Coronavirus.

Bacalwaan wuxuu ahaa fannaan cod halaasi ah lahaa wuxuu qaaday heeso badan oo Jeceyl iyo Wadani isugu jiray isaga oo si gaar ah loogu xasuusto heestiisii '' Midab Gumeysi Diidda'' 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]