4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 31, 2020
Xulka gobolka Banaadir oo ku guulaystay tartankii kubada cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir
 

Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) - Xulka kubada cagta gobolka Banaadir ayaa ku guulaystay tartankii kubada cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kadib cayaar xiiso badnayd oo galab casir liiqii kusoo idlaatay garoonka Engineer Yariisow.

Gobolka Banaadir ayaa tartankaan kaga guulaystay xulka kubada cagta Galmudug, oo kamid ahaa kooxaha loo saadaalinayay koobka.

Labada kooxood cayaarta dhexmartay waxay 90-kii daqiiqo kusoo dhamaatay 2-2, iyadoo gobolka Banaadir uu ahaa kooxda mar kasta goolasha ku hormaraysay. Cayaarta ayaa markii dambe lagu kala baxay rigoorayaal.

Gobolka Banaadir ayaa ku badiyay 5-2 markii cel celis ahaan la isku daro goolasha rigoorayaasha iyo goolasha ay caadiga u dhaliyeen, waxaana xusid mudan in kooxda Galmudug ay khasaariyeen rigoorooyinkii ay tuurteen.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo cayaarta si toos ah uga daawanayay hoygiisa madaxtooyada, ayaa u hambaleeyay xulka Banaadir ee koobka ku guulaystay, isagoo dhinaca kalena bogaadiyay xulka kubada cagta Galmudug oo kaalinta labaad galay.

“Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Dowlad Goboleedyada Dalka, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Xulka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah. Labada Kooxoodba waxa ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Waa markii ugu horaysay oo gobolka Banaadir uu tartankaan ku guulaysto tan iyo markii lasoo billaabay sannadkii 2016. Gobolka Banaadir waxay kaloo u tahay taariikh cusub iyadoo maanta ay ku beegan tahay 10 sano kadib markii gobolka Banaadir uu ku guulaystay tartankii gobolada Soomaaliya ee lagu qabtay Garowe 2010.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]