5/9/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 31, 2020
Banaanbax xoogan oo maanta ka dhacay magaalada Baledweyne




Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) - Dibadbax aad u xoogan ayaa maanta ka dhacay magaalada Baledweyne kaasoo si weyn u saameyay inta badan xaafadaha magaalada aay ka kooban tahay waxaana looga soo horjeeday maamulka Hirshabeelle.

Banaanbaxayaasha oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada reer Baledweyne ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah maamulka Hirshabeelle sida Hirshabeelle doonimeyno Cali Guudlaawe doonimeyno.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa isku dayay iney ka hortagaan banaanbaxayaasha balse uma suurta galin iney joojiyaan banaanbaxa.

Dibadbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo aay ku muujinayaan banaanbaxa waxaana ka mid ahaa erayada ku qornaa boorarka "waan kasoo horjeedna Hirshabeelle caburinta iyo xasuuqa maamulka Hirshabeelle u geysteen dadka shacabka ee reer Hiiraan, siidaaya Wariyaasha iyo dadka kale ee ururada bulshada rayidka ah"

Gabagabadii banaanbaxayaasha ayaa maanta hortagay xarunta looga arimiyo gobolka Hiiraan iyo sidoo kale Xabsiga dhexe ee Baledweyne oo ah halka ay ku xiran yihiin mudo todobaad ah dad shacab ah oo gaaraya 7 ruux oo lagu eedeyay qalqal galinta amniga Baledweyne waxayna banaanbayaasha halkaasi ka dalbadeen in si deg deg ah loo sii daayo dadka xirxiran hadii kalana ay wadayaan banaanbaxyada ilaa laga sii daynayo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
12/31/2020 11:14 AM EST
Khamiis, December, 31, 2020 ( HOL) -Sanadkan sii dhamaanaya ee 2020 waxaa geeriyooday fannaaniin caan ka ahaa gayiga Soomaaliya iyo caalamka, qaarkood waxaa ay u dhinteen cudurka dunida faraha ba'an ku haya ee Coronavirus.

12/31/2020 10:53 AM EST
Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) - Xulka kubada cagta gobolka Banaadir ayaa ku guulaystay tartankii kubada cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kadib cayaar xiiso badnayd oo galab casir liiqii kusoo idlaatay garoonka Engineer Yariisow.

12/31/2020 6:16 AM EST
Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) -Sanadkan inaga sii dhamaanaya ee 2020 Soomaaliya marka la eego waxaa uu u ahaa sanad ay isku biirsadeed deggenaan la'aan siyaasadeed, Jawi Doorasho, Qaraxyo galaaftay nolasha dad badan oo Soomaali ah iyo waliba geerida dad Soomaalida magac iyo maamuus ku dhax la'ahaa.

12/31/2020 4:51 AM EST
Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) - Raysal Wasaare ku xigeenka dowladda federalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta raali galin ka bixiyay hadal uu horey saxaafadda ugasii daayay oo ku saabsanaa in doorashada soo socota uu madaxweyne Farmaajo wareega ugu horeeya ku guulaysandoono.

12/31/2020 4:09 AM EST
Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo khudbad ka jeedinayay madasha Aragti Wadaag ee Machadka Heritage uu soo qabanqaabiyay ee ka soconaya magaalada Garoowe ayaa sheegay in la fuliyo heshiisyadii doorasho ee la galay

12/31/2020 12:58 AM EST
Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) - Waxey aheyd khudbad adag oo madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland oo uu ka jeediyay shirka Aragti Wadaag ee ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Puntland.

12/31/2020 12:17 AM EST
Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) -Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in Anita Kiki Gbeho oo reer Ghana ah noqoto ku xigeenka cusub ee Wakiilka gaarka ah ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.