4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2020
Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo Baledweyne gaaray


Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlada Federaalka Soomaaliya Janaraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa soo gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne kusoo dhaweyay masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo maamulka gobolka iyo sarakiil ciidan.

Ujeedka safarka wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdigiisa ayaa ah sidii ay u xalin lahayeen tabashada dadka reer Hiiraan aay ka qabaan dhismaha maamulka cusub ee Hirshabeelle oo dhalisay xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo looga soo horjeedo madaxda Hirshabeelle ee dhawaan Jowhar lagu soo doortay.

Wasiir Muqtaar ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato waxgaradka reer Hiiraan ee tabashada ka qaba Hirshabeelle iyo waliba hoggaamiyaha ciidamada diidan Hirshabeelle Janaraal Abuukar Warsame Xuud kuwaas oo siweyn uga horyimid inuu Baledweyne yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]