4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2020
Garowe: Mooshin xil ka qaadis ah oo laga gudbiyay xildhibaano katirsan Puntland
 

Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Qorshe xilka looga qaadayo xildhibaano katirsan Puntland ayaa saaka ka socda magaalada Garowe, kadib markii 35 xildhibaan oo kamid ah barlamaanka ay saxiixeen mooshin xil ka qaadis ah.

Illaa 8 xildhibaan ayay wararku sheegayaan in barlamaanku xilkanka xayuubin lahaa, kuwaas oo kamid ahaa xubno horey u dalbaday inuu iscasilo guddoomiyaha barlamaanka Puntland.

Waxaa gebi ahaanba xiran aaga barlamaanka iyadoo laga cabsi qabo in ay xiisado ka dhalato go’aankan.

Waxaa fashilmay dadaalo la doonayay in lagu dhameeyo khilaafka guddoomiyaha iyo garab katirsan xildhibaanada, waxayna hadda u muuqataa in lagu kala bixidoono codka barlamaanka.

Illaa iyo xalay waxaa magaalada Garowe ka socday dhaqdhaq siyaasadeed oo xoogan, iyadoo ay labada garab mid kasta uu doonayo inuu ka guulaysto kan kale.

Xildhibaanada laga gudbiyay mooshinka, ayaa dhankooda qorsheynayay in ay xilka ka tuuraan guddoomiyaha barlamaanka, hase yeeshee warar HOL, helayso ayaa sheegaya in madaxtooyada Puntland ay taageersan tahay guddoomiyaha.

Wixii soo kordha kala socda Hiiraan Online

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]