4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2020
COVID Minnesota: 40 Dhimasho ayaa laga soo sheegay Kirismaska, Maalinta xigta



Xaallada Covid-19 ee Minnesota: Maalintii ku xigtay fasaxa Chrismaska waxaa la soo wariyey in 40 qofood oo dheeraad ah geeriyootay.

MINNEAPOLIS Masuulliyiinta caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegay Axadii in ka badan 2,534 qofood ee gobolka oo dheeraad ah laga helay Covid-19 iyo 40 kalena u geeriyootay. Tirooyinkan waxay isugu jiraan kuwii maalmihii fasaxa Christmaska ee Jimcaha iyo Sabtiga.

Marka lagu daro tiyoonkan, tirada guud ee dadka cudurkan laga helay ee gobolka waa 409,061 qofood, dhimashadana waxay kor u gaartay 5,147 qofood. 27 ka mid ah inta dhawaan u dhimatay cudurkan waxay deganaayeen dhismooyinka loogu talagay daryeellada muddada dheer. Qiyaastii 65% inta u geeriyootay cudurrada la xiriira fayraska Covid-19 ee Minnesota