4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2020
Nabbadoon Cilmi Hagar "Habeenkii waxaa Baledweyne kusoo kordhay in Guryaha aan kasoo bixi weyno"
 

Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Nabbadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa ka kulul uga hadlay xaalad cakirnaan ah oo ka taagan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Nabbadoon Hagar ayaa sheegay iney walaac xoogan ka qabaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

" Habeenkii waxaa magaalada kusoo kordhay ciidamo Itobiyaan ah iyo Jabuuti in dadka loo adeegsado oo guryaha laga soo bixi waayo dadkana la iska xirxiro" ayuu yiri Nabbadoon Cilmi Hagar Guure.

Nabbadoonka ayaa sidoo kale sheegay in dad badan oo guryahooda laga soo kaxeystay ay xiran yihiin maantana markii ay isku dayeen ineey maamulka iyo madaxda kala hadlaan arimahaasi aaysan helin.

" Waxaan raadinay maanta wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya si aan ugala hadalno dadka xiran in lasoo daayo ilaaladiisa ayaa nagu dhahay waa Hurdaya hadana waxaan aadnay guddoomiyaha gobolka asna waxa nala dhahay wuu hurdaya taliyaha Saldhiga oo aan u tagnay asna waxa uu noogu jawabay idinka ayaaba xarig u baahan "ayuu yiri Nabbadoon Cilmi Hagar Guure.

Hadalka Nabbadoonka ayaa imaanaya xili dad badan oo shacab ah ku xiran yihiin Saldhiga ciidamada Booliiska Baledweyne kuwaas oo ila hada aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigooda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]