4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2020
Muddo xileedka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku ekaa

 

Axad, December, 27, 2020 (HOL) - Muddo xileedka dastuuriga ah ee baarlamanka Soomaaliya oo ahaa Afar  sano ayaa ugu danbeyntii maanta ku soo dhamaaday oo ay taariikhdu ku beegan tahay 27ka bishan December, sanadkan 2020ka.

Doodda iyo muraka dhashay hannaanka loo marayo guud ahaan doorashada ayaana sababtay in la soo gaaray waqtigan iyadoo uusan jirin Baarlamaan kale oo badalaya kan 10aad ee haantan uu waqtigu ka idlaaday.

Dhamaashiyaha muddo xilkeedan ayaa waji kale u yeelaya xaalada dalka iyadoo ay ka dhalanayaan su'aalo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay '' Yaa badalaya mar haddii sharci ahaan Baarlamaanku waqtigiisu dhamaaday''

Balse jawaabta su'aashan ayaa waxaa muuqata in uu kol horeba ka sii jawaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo sheegay in Baarlamaankan 10aad uu sii shaqeynayo ilaa uu badalo Baarlamaan la soo doortay.

Guddiga doorashada heer Federaal oo dhawaan war soo saaray ayaa sheegay in horaanta sanadka 2021ka ku soo dhameystiri doonaan dhamaanba doorashada labada Aqal ee Dowladda, balse taa laftirkeeda wali ma muuqato oo madaxda dowlad gobolleedyada dalka qaarkood oo ay tahay in ay soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ayaaba ka biyo -diidan hannaanka loo marayo doorashada.

Waxaa sidoo kale uu Baarlamaankan waqtigiisu dhamaaday iyadoo wali ay hor yaalaan meelmarinta ajandayaal muhiim ah oo ay xukuumadda u gudbisay.

Beesha Caalamka oo laftirkooda si gaar ah arintan isha ugu haya ayaa marar badan oo hore ku celceliyay in loo baahan yahay doorasho heshiis lagu wada hayo oo ku dhacda isla ogol, waana tan hadda laga sugayo ugu yaraan in ay ku heshiiyaan Dowlad Dhexe iyo Dowlad gobolleedyada dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]