4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2020
Xulka kubada cagta Galmudug oo gaaray Final tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir


Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Xulka kubada cagta Galmudug ayaa gaaray wareega ugu dambeeyay tartanka kubada cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kadib markii ay galabta ay ka badiyeen xulka matalayay Puntland.

Galmudug ayaa 2-1 ku badisay cayaar aad u xiiso badnay oo ay kasoo qeyb galayn kumaanan taageerayaal oo isaga kala yimid degmooyinka Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada kale ee Soomaaliya.

Galmudug oo labadii tartanka ee lasoo dhaafay aan soo gaarin heerkaan, ayaa sanadkaan dhigtay taariikh cusub, waxayna haatan sugaysaa midkii soo baxa labada kooxood ee kala matalaya Banaadir iyo koonfur galbeed.

Banaadir iyo koonfur galbeed ayaa berito isku arkidoona garoonka kubada cagta ee eng yariisow, waana kulan aad u xiiso badan oo la sugayo.

Puntland iyo Jubbaland oo tartamadii lasoo dhaafay kusoo kala guulaystay ayaa sanadkaan macsalaameeyay tartankaan, waxayna tanina ka dhigan tahay inuu hadda koobku dhexyaalo, Banaadir, Galmudug iyo koonfur galbeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]