3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2020
Adhi-cadeeye oo guul laga gaadhey colaad rubuc qarni soo taagnayd

Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Munaasibad lagu soo gunaanadayey colaad ku dhowaad rubuc qarni laba beelood ka dhex taagnayd laba beelood ayaa ka dhacday dugsiga Farsamada Gacanta ee Adhi-cadeeye.

Dadaal xoogleh oo bilihii la soo dhaafay ka socdey halkaas oo la doonayey in lagu soo afjaro colaad soo noqnoqitay oo u dhexaysey laba beelood oo wada dega degmada Adhi-cadeeye oo waqooyi Laascaanood kaga quman hilaada 30Km.

Munaasibadan ayaa laga soo saaray xukumo ay ka mid yihiin 140 halaad oo ganaax looga dhigay beesha lagu eedeeyey in ay jebisey xabad joojin horey u dhex taaley labada beelood, sidoo kale waxaa halkaasi la go'aamiyey in wixii dhimasho ah 100 halaad laga bixiyo halka wixii dhaawac ahaana loo dhigay bacnaano dabadeed.

Waxgaradka labada beelood ayaa kala qaatay lacag Duug ah oo afartii ruux ee u danbeeyey ahaa, waxaanay labada dhinacba muujiyeen sida ay ugu hamuun qabeen nabad loo dhan yahay, iyagoo u mahad celiyey masuuliyiintii hawshan isu taagey.

Wasiirada Warfaafinta, Beeraha, Xanaada Xoolaha iyo Dastuurka oo halkaasi ka hadlay ayaa si aad ah ugu dheeraaday dadaalka ay u soo mareen gaadhida nabada maanta dhidibada loo aasay, waxaanay balan adag ku qaadeen in ay feejignaan dheer u yeelanayaan cida jebisa.

Cuqaal, Culimo, Aqoonyahan iyo waxgarad halkaasi ka hadlay ayaa labada beeloodba ku dhiiriyey in ay xusuustaan waxa ka dhexeeya, ayna iloobaan waxyaabaha colaada keeni kara.

Colaadan la afjaray maanta ayaa ku dhowaad toban jeer la dhameeyey oo ay noqotay hal bacaad lagu lisay, waxase haatan si aad ah isha loogu hayaa iyadoo tani ay ka adag tahay kuwii hore, waana arinta magaalada Adhi-cadeeye oo  sagaashamaadkii ahayd xarun ganacsi ay ku dhacday dibudhac.

Hadal haynta ugu badan ee laga dhaxlay laba kulan oo beelo badan lagu nabadeey libteeda loo xanbaariyey Wasiirka Warfaafinta oo ku dhowaad shan bilood habeeno kooban ka maqnaa magaalada Laascaanood si uu uga lib keeno nabadaynta beelaha, waxaana la sheegayaa in weli hawlo nabadayn ah oo kale uu maanka ku hayo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood












Click here
1/31/2021 9:54 PM EST
Xaallada Covid-19 ee Minnesota: Maalintii ku xigtay fasaxa Chrismaska waxaa la soo wariyey in 40 qofood oo dheeraad ah geeriyootay.

12/27/2020 2:37 PM EST
Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Nabbadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa ka kulul uga hadlay xaalad cakirnaan ah oo ka taagan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

12/27/2020 10:35 AM EST
Axad, December, 27, 2020 (HOL) - Muddo xileedka dastuuriga ah ee baarlamanka Soomaaliya oo ahaa Afar sano ayaa ugu danbeyntii maanta ku soo dhamaaday oo ay taariikhdu ku beegan tahay 27ka bishan December, sanadkan 2020ka.

12/27/2020 10:24 AM EST
Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u Cambaareeyay caburinta lagu haayo dadka reer Hiiraan gaar ahaan kuwa ku nool Baledweyne.

12/27/2020 10:12 AM EST
Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Xulka kubada cagta Galmudug ayaa gaaray wareega ugu dambeeyay tartanka kubada cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kadib markii ay galabta ay ka badiyeen xulka matalayay Puntland.

12/27/2020 7:03 AM EST
Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Banaanbaxan oo ahaa mid aad u xoogan oo ay dhigayeen boqolaal dad weyne ah oo ka careysan xarig loo geystay shalay iyo maanta dad shacab oo ku xiran Saldhiga ciidamada Booliiska Baledweyne.

12/27/2020 6:39 AM EST
Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Ciidamada Difaaca Kenya ayaa subaxnimadii hore ee Axada maanta waxay sheegeen inay weerareen oo ay burburiyeen xero ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab oo ku taal Kaymaha weyn ee Boni.

12/27/2020 6:34 AM EST
Muqdisho, Deccember, 27, 2020 (HOL) -Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta Hal abuurka Shaqada iyo Horumarinta Dhallinyarada.

12/27/2020 4:57 AM EST
Axad, December, 27, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ciidamo gaar ah u diyaarineyso Amniga Doorashooyinka, iyadoo dhawaan la filayo in dalka ay ka dhacdo doorashada heer Baarlamaanka iyo Madaxtooyo.

12/27/2020 4:37 AM EST
Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in qofkii fuliyay qarixii ismiidaaminta ee Gaalkacyo ka dhacay uu ahaa qof kasoo jeeday degaanada Galmudug.

12/27/2020 2:47 AM EST
Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa saaka ku soo toosay xaalad ka duwan xaaladahii hore kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM aay xireen gabi ahaanba wadooyinka waa weyn ee dhexmara Baledweyne.

12/27/2020 12:56 AM EST
Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku tilmaamay mudaharaad shalay ka dhacay magaalada Garowe inuu ahaa qorshe siyaasadeed oo lagu suurad xumaynayay amniga Puntland xilli shir weyn lagu qabanayo Garowe.

12/27/2020 12:49 AM EST
Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ugu baaqay madaxda Dowlad Gobolleedyada dalka in ay bilaabaan diiwaangalinta musharixiinta ku tartameysa Golaha Aqalka sare.