4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2020
Wasiir Duraan oo dhagax-dhigay xarunta Hal abuurka Shaqada iyo Horumarinta Dhallinyarada


Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) -Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta Hal abuurka Shaqada iyo Horumarinta Dhallinyarada.

Xarunta oo laga dhagax-dhigay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa adeegyo wax-tar leh siineysa Dhallinyarada Soomaaliyeed ,sida is waafajinta xirfadaha iyo tababarka shaqada.

"Xaruntan waxay albaabka u fureysaa in dhallinyarada Soomaaliyeed ay helaan goob ay ugu soo hagaagaan fursadaha shaqooyinka ee ka jira gudaha dalka, waxaa kalo ay xoojin doontaa Hal abuurka iyo horumarinta dhallinyarada ." ayuu yiri Wasiir Duraan.

"Dalkeenna wuxuu la tacaalaya shaqo la'aan, si taas xal loogu helo hadda waxaan diiradda saareynaa xirfadaha oo lagu horumarin doono dhallinyarada waxbarashada helay iyo kuwa aan fursadaa helin." ayuu ku daray.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa ka qeybgalay Sanetor Naciima Ibraahim Yusuf, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Mudane Cali Cabdi Weheliye madaxa mashaariicda hay'adda Save the Children , oo ka caawinaysa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada howlgalinta xarunta Hal abuurka Shaqada iyo Horumarinta Dhallinyarada .

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]