4/17/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2020
Qof ku labisnaa dhar-shibil ah oo rasaas ku furay dad dibadbaxayay magaalada Muqdisho


 

JImco, December, 25, 2020 (HOL) - Baraha bulshada ayuu qabsaday shaqsigan oo ku hubeynaa bastoolad oo rasaas kor  ugu ridaya dad isugu soo baxay degmada Hodan gaar ahaan Isogyska Banaadir.

Sababta loo hadal hayo ayaa ah in uu ahaa qof ku labisnaa dhar shibil ah [ oo aan sidan dareyska ciidamada ] kaasoo bastoolado uu gacanta ku sitay ku ridaya haween ka qeybqaadanayay dibadbaxa oo qaarkood la murmaya shaqsigan hubeysnaa.

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa xiray labo wariye oo ku sugnaa goobta uu dibadbaxa ka dhacayay, waxaana markii danbe la ogaaday in qofkan bastoolada sitay uu ka tirsanaa hay'addaha nabad-galyada dowladda, laakiin waqtigaa aan sidan dareyska ciidamada.

Siyaasiyinta mucaaradka oo arintan ka hadlay ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyaha nabad-sugida in ay magaalada ku sii -daayeen sida ay hadalka u dhigeen dad hubeysan loogu tala-galay in looga hortago dadweynaha dibadbaxa dhigaya.

isku soo baxayan ayaa ahaa mid looga soo horjeedo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    













Click here
12/25/2020 7:06 AM EST
Jimco, December, 25, 2020 (HOL) - Booliiska Puntland ayaa lacag labo kun oo dollar ah dul dhigay xogta nin lagu magacaabo Ibraahim Siidoow oo hay’addaha amnigu ku eedeeyeen inuu masuul ka yahay falal amni darro oo Gaalkacyo ka dhacay.

12/25/2020 7:04 AM EST
Jimco,December,25,2020 (HOL) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii ansixiyay toddobo axdi oo qeyb ka ah heshiisyada urur weynaha Shaqaalaha Adduunka ee ILO kuwaas oo loo arkay in muhiim u yihiin ma'baadiida aasaasiga ah iyo xuquuqda shaqada.

12/25/2020 2:31 AM EST
Jimco, December, 25, 2020 (HOL) -Qoraal ka soo baxay midowga musharixiinta dalka ayaa lagu soo dhaweeyay dadaalka madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Puntland ku doonayaa in ay ku soo afjaraan khilaafka ka dhasha doorashada dalka.

12/25/2020 12:08 AM EST
Jimco, December, 25, 2020 (HOL) -War ka soo baxay taliska Howlgalka Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay ayaa lagu sheegay in ciidamada cirka Mareykanku duqeyn ka fuliyeen degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe.