3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 25, 2020
Booliiska Puntland ee gobolka Mudug oo abaal marin lacageed dul dhigtay shakhsi laamaha amnigu raadinayaan
 

Jimco, December, 25, 2020 (HOL) - Booliiska Puntland ayaa lacag labo kun oo dollar ah dul dhigay xogta nin lagu magacaabo Ibraahim Siidoow oo hay’addaha amnigu ku eedeeyeen inuu masuul ka yahay falal amni darro oo Gaalkacyo ka dhacay.

Qoraal lagu daabacay barta taliska booliiska gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in qoftii soo sheega xog lagusoo qaban karo in lacagtaas lagu abaal marindoono sidoo kalena aan xogtiisa cidna lala wadaagidoonin.

Booliisku ma sheegin inuu ninkani katirsan yahay Alshabab ama cid kale, mana sheegin sabab gaar ah oo uu ku mutaystay in soo sheegida xogtiisa lagu bixinayo abaal marino lacageed.

Waxay arrintan kusoo beegmaysa kadib markii uu dhawaan Gaalkacyo ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay saraakiil ciiddan iyo masuuliyiin horey xilal ugasoo qabtay Puntland iyo Galmudug.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected] 












Click here
12/25/2020 8:34 AM EST
JImco, December, 25, 2020 (HOL) - Baraha bulshada ayuu qabsaday shaqsigan oo ku hubeynaa bastoolad oo rasaas kor ugu ridaya dad isugu soo baxay degmada Hodan gaar ahaan Isogyska Banaadir.

12/25/2020 7:04 AM EST
Jimco,December,25,2020 (HOL) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii ansixiyay toddobo axdi oo qeyb ka ah heshiisyada urur weynaha Shaqaalaha Adduunka ee ILO kuwaas oo loo arkay in muhiim u yihiin ma'baadiida aasaasiga ah iyo xuquuqda shaqada.

12/25/2020 2:31 AM EST
Jimco, December, 25, 2020 (HOL) -Qoraal ka soo baxay midowga musharixiinta dalka ayaa lagu soo dhaweeyay dadaalka madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Puntland ku doonayaa in ay ku soo afjaraan khilaafka ka dhasha doorashada dalka.

12/25/2020 12:08 AM EST
Jimco, December, 25, 2020 (HOL) -War ka soo baxay taliska Howlgalka Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay ayaa lagu sheegay in ciidamada cirka Mareykanku duqeyn ka fuliyeen degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe.