4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 24, 2020
Cabdi Xaanshi Cabdullaahi '' Madaxweynuhu wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo halis galineysa jiritaanka hay'addaha dastuuriga ah

 

Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaaji Cabdullaahi oo shir jaraa'id qabtay ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ku dhaqaaqay tallaabo halis ku ah hay'addaha dastuuriga ah.

Wuxuu sheegay in madaxweyuhu si ula kac ah u hor istaagay qoddobo uu ka mid yahay, Xil Gudashada  Baarlamaanka Soomaaliyeed oo u xil saaran ayuu yiri dib-u--eegista, Ansixinta iyo Wax ka badalka dastuurka Soomaaliyeed.

Cabdi Xaanshi Guddoomiyaha Aqalka Sare  ayaa sheegay in tallaabada uu madaxweynuhu ku ansixiyay xeerka dib u dhiggaya dib -u-eegista dastuurka aheyn mid ka mid ah awoodihiisa sharciga ah ee uu madaxweynuhu leeyahay

''Madaxweyuhu wuxuu ku xad gudbay kala soocida awoodaha hay'adaha kala duwan ee dowlada sida Sharci dajinta, Fulinta iyo Garsoorka, taasoo ka dhigan in madaxweynuhu jabiyay qoddob dastuuri ah'' ayuu yiri Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Ugu danbeyntii ayuu sheegay in xeerkan uu saxiixay madaxweynuhu yahay mid baalmarsan Dastuurka islamarkaana aan laheyn sida uu hadalka u dhigay Cabdi Xaanshi  wax raad sharci ah oo loo cuskan karo.

Xeerkan uu saxiixay madaxweyne Farmaajo ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Diseembar 2020, waxaana la baabi’iyey Sharciga iyo xeer kasto oo ka soo horjeedo arrinkan, iyadoo lagu soo daabicayo Faafinta rasmiga.

Waxaa muuqaneysa in xeerkan uu madaxweynuhu saxiixay ay dood culus ka dhax dhalisay hay'addaha dowladda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo si adag uga fal celiyay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]