4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 24, 2020
Puntland iyo Galmudug oo ku heshiiyay inay ka shaqeeyaan iskusoo dhowaynta dhinacyada isku khilaafsan hannaanka doorashada
 

Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - War murtiyeed ayaa kasoo baxay shir maanta magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, Siciid Deni iyo Axmed Qooroor.

Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in ay ka shaqeeyaan sidii la iskugusoo dhowayn lahaa dhinacyada ku kala aragtida duwan hannaanka doorashada Soomaaliya ee muranku ka taagan yahay.

Labada maamul waxay sidoo kale ku heshiiyeen in ay iskaashi wadajir ah ka yeeshaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha Alshabab iyo Daacish, si loo xoojiyo amniga gudaha labada maamul ee deriska ah.

Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka Shirka.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]