4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 24, 2020
Guddoomiyaha aqalka sare iyo siyaasiyiinta gobolada waqooyi oo ka hor yimid jadwalka doorashada
 

Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada waqooyi ayaa kasoo horjeestay war kasoo baxay guddiga doorashada oo shaaciyay jadwalka doorashada aqalka sare.

Warsaxafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in aysan doorasho qaban karin guddiga doorashada oo ay ku tilmaameen in ay yihiin guddi aan sharciyad ku imaan oo ay dowladdu soo xulatay.

Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in bishaan dhamaadkeeda illaa 6-da bisha january ee sanadka cusub lagu dhameystirayo doorashada aqalka sare.

Halkaan hoose ka akhriso.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]