4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 24, 2020
Madaxwenayaasha Puntland iyo Galmudug oo kulan gaar ah kuleh magaalada Gaaalkacyo
 

Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug  Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa magaalada Gaalkacyo ku yeeshay kulan ku saabsan Iskaashiga labada maamul goboleed.

Labada maamul ayaa kulankooda diiradda lagu saarayaa arrimaha amniga gaar ahaan dagaalka Alshabab iyo arrimaha doorashooyinka.

Warar aanu helnay ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Qoorqoor uu madaxweynaha Puntland kala hadlayo arrimo ku saabsan in uu iskusoo dhoweeyo Puntland iyo dowladda federalka.

Dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa  la filayaa inay isku yimaadaan kulan ballaaran oo mar kale looga tashanayo in wax laga bedelo qodobo kamid ah heshiiskii doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]