3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 24, 2020
Fanaankii weynaa Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka

 

Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - Waxaa xalay dalka Jarmalka ku geeriyooday Fanaankii weyn ee Soomaaliyeed Cabdi Cali Bacalwaan oo waayadii ugu danbeeyay lagu waramayo in uu dalkaasi ku xanuusanayay.

Fannaanka ayaa lagu waramayaa in uu toddobaadyadii ugu danbeeyayba ku xannuunsanayay isbitaal ku yaala magaalada Mainz ee Jarmalka isaga oo ku jiray xaalad miir dabool ah.

Bacalwaan waxaa uu ka mid ahaa tiirarkii Hobalada Waabari isaga oo ku luuqayay heeso tiro badan oo isugu jira Jaceyl iyo Wadani, waxaana uu ahaa Fannaan siweyn ay dadku codkiisa u jeclaayeen.

Sidoo kale waxaa uu ahaa mulaxan, waxaa uu ku dhashay magaalada Wardheer ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaana uu ku biirey fanka Soomaaliyeed sanadkii 1965tii.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeysay geerida Fannaanka Cabdi Cali Bacalwaan oo siweyn loogu xasuusto heestii ''Midab Gumeysi Diida'' iyo qaar kaloo badan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    


 















Click here
12/24/2020 11:08 AM EST
Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaaji Cabdullaahi oo shir jaraa'id qabtay ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ku dhaqaaqay tallaabo halis ku ah hay'addaha dastuuriga ah.

12/24/2020 8:14 AM EST
Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tallaabadii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku saxiixay xeer dib u dhiggaya wax ka badal lagu sameeyo Dastuurka dalka.

12/24/2020 7:33 AM EST
Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - War murtiyeed ayaa kasoo baxay shir maanta magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, Siciid Deni iyo Axmed Qooroor.

12/24/2020 6:16 AM EST
Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada waqooyi ayaa kasoo horjeestay war kasoo baxay guddiga doorashada oo shaaciyay jadwalka doorashada aqalka sare.

12/24/2020 5:48 AM EST
Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa magaalada Gaalkacyo ku yeeshay kulan ku saabsan Iskaashiga labada maamul goboleed.

12/24/2020 3:50 AM EST
Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - Ciidamada Booliska magaalada Baledweyne ayaa goordhaw xabsiga dhigay guddoomiyaha Idaacaddaha ku midoobay magaca SOMA ahna milkiilaha Idaacadda Hiiraanweyn Maxamed Cismaan Makaraan.

12/24/2020 2:29 AM EST
Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Xeer Madaxweyne oo dib u dhigaya ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel Gaarka ah maadaama la galay xilligii doorashooyinka oo ay sii dhammaaneyso muddada xilhaynta Barlamaanka 10aad, ayna bilaabanayso muddo Xileedka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

12/24/2020 1:39 AM EST
Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - In ka badan 100 ruux ayaa la dilay kaddib markii koox dabley ah oo heyntooda la aqoon weerareen tuulo ku taala gobolka Benishangul-Gumaz ee dalka Itoobiya.

12/24/2020 12:20 AM EST
Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - Wariye Cabdiqaadir Dulyar oo ka mid ah wariyayaasha Soomaaliyeed safar shaqana ku yimid magaalada Beledweyne ayaa xabsiga la dhiggay kaddib markii uu maalintii shalay soo wareystay Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo dulleedka magaalada Beledweyne ku heysta xoogag ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.