3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 23, 2020
Xildhibaan Aqalka Sare ee gobolka Minnesota ayaa u geeriyooday cudurka Covid-19



(HOL) Xildhibaan Sare Jerry Relph ee gobolka Minnesota ayaa Jimcihii geeriyooday ka dib markii cisbitaalka loo geeyay Covid-19.

Xaaska Xildhibaanka Sare ee dhintay, Pegi Broker-Relph, ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri “Waxaa idinla wadaagayaa anigoo qalbi jabsan in ninkayga, Jerry Relph, geeriyooday galayna gurigiisii Jannada.” “Jerry waxa uu ahaa nin la jecelyahay, aabbo la jecelyahay iyo awoowe la jecelyahay.” Qoyska faahfaahin kama bixin cudurka Relph u dhintay.

76-jirkaan, oo matalaayay aaga St. Cloud, ayaa waxaa laga helay cudurka Covid-19 bishii Noofembar 13dii, ka dib markii cudurka kaga soo qaaday aqalka shirarka xildhibaannada ee gobolka Minnesota, sida ay soo warisay shabakada wararka ee WCCO oo xiriir wada shaqayn la leh CNN. Relph waxaa la dhigay qol ka mid ah waaxda gargaarka deg-dega ee ciIsbitaalka isla toddobaadkaas dhammaadkiisa astaamaha xanuunka hayay awigiis, sida laga soo xigtay WCCO.

Waxaa loo doortay afarta sano ee Xildhibaan Sare ee gobolka Minnesota, ka dib marki uu in yar, 100 cod, kaga badiyay markii dib loo tiriyaay ninkii la tartamaayay ee ka socday xisbiga Democratic-Farmer-Labor (DFL), Dan Wolgamott. Relph ayaa kursigiisi waayay ka dib markow ku guuldaraystay doorashadii Dayrta ee sannadkan. 

Pegi Broker-Relph waxay sheegtay in ninkeedu jeclaa u adeeggida dadka reer St. Cloud “Qadirrina jiray daqiiqad kasta oo la mid ah hawshiisa.”

“Sharaf iyo maamuusnimada ugu sarreysa ee uu Jerry gaaray waxaa ka mid ah in uu naftiisa u hurray matalaada iyo u adeeggida Xildhibaannimada Sare ee Deeggaanka 14aad. Ma tirin karo inta jeer ee uu guriga yimid habeennimo iina sheegay in uu ku hawlanaa caawinta xal u helidda dhib haysta qof deggan nawaaxiga laga soo doortay, ama sheeko uu ka maqlay qof uu kula kulamay dhoolatus ama isu soo bax dadweyne ama xataa qof uu hal mar kula kulmay xaflad ka dhacday Capitol Hill (aqalka ay ku shiraan dhammaan masuulliyiinta la soo doorta ee dalka Mareykanka ee ku yaala Washington DC).” Broker-Relph ayaa Jimcihii tiri.

“Jerry wax uu jeclaa in uu gudagala arrimaha jira, in uu helo tanasul , iyo in laga wada shaqeeyo xallinta dhibaatooyinka jira. Shakina kama qabo in uu sii wadi lahaa xallinta dhibaatooyinka ka baxsan sharciga,” ayay hadalkeeda ku dartay.

Ka hor intuusan ku biirin sharci dejinta Minnesota, Relph waxa uu ahaa ruugcadaa ka mid ah Ciidamada gaarka ah ee ka hawlgalla dhulka iyo badda kana soo shaqeeyay Vietnma, qareen iyo ganacsade yar.

Waxa uu ahaa soo-jeediyaha (ama qoraaga) ugu weyn xeerkii ay isku raaceen labada xisbi ee soo baxay bishii Maarso ee lagu bixiyay maalgelin deg deg ah oo lagula dagaallamaayay cudurka Covid-19 ee gobolka Minnesota.

Xildhibaanka ugu sareeya Xildhibaannada Sare ee Xisibiga Jamhuuriga (Republican) ayaa Relph ku timaamay in uu ahaa “saaxib dhab ah iyo jaalle dad badani ay jecel yihiin.”

Hoggaamiyaha xisbiga ugu tirada badan ee Aqalka Sare Paul Gazelka ayaa bayaan uu soo saaray Jimcihii ku yiri “Muddo afar sanno ah ayuu u tafa-xeednaa xallinta dhibaatooyinka gobolka wax weyna ka qabtay. Xildhibaan Sare Relph waxaa weligiis loo xasuusan doona in uu ahaa halyeey haygan u  ah u shaqaynta danta guud ee dadkiisa.”

Xildhibaan Sare Carolyn Laine ee xisbiga DFL ee golobka Minnesota, oo la doortay 2016, ayaa sheegtay in ay Relph u xasuusato “in uu ahaa shaqsi ay ka buuxdo daacadnimo iyo anshax fiican, jeclayna in sharci-dajiyaasha loo kala qaybin xisibi xisbi.”

“Aad ayaan uga xumahay in uu u dhintay Covid-19. Bishii Maarso ee la soo dhaafay ayuu nagu adkeeyay in aan si aad ah uga taxadirno. Fadlan, ka taxadira cudurkan halista ah si aan u sharafno xasuustiisa.” Lainne, oo ah kaaliyahay hoggaamiyaha Xildhibaannada Sare ee laga tirada badan yahay ee gobolka, ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay.

Relph waxa uu ifka uga tagay xaaskiisa, labo caruur, afar xaaskiisa ay dad kale u dhashay iyo caruur uu awoowe u yahay.

 













Click here
1/31/2021 10:34 PM EST
Fiidiyowgaan ayaa sharxi doona sida ugu habboon ee loo maareeyo walbahaarkaaga iyo welwelkaaga inta lagu jiro COVID-19. Haddii aad u baahan tahay taageero caafimaadka dhimirka hadda ah:

12/23/2020 2:23 PM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Midowga musharixiinta dalka ayaa si carro leh uga jawaabay jadwalka doorasho ee ka soo baxay Guddiga doorashooyinka dalka ee aan wali leysku raacsaneyn.

12/23/2020 10:39 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Guddiga doorashooyinka dad ban ee heer federal ayaa shaaciyay in jadwalka diiwaan galinta tartamayaasha doorashada aqalka sare uu bilaabanayo taariikhdu markay tahay 26-ka bishaan December.

12/23/2020 10:34 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ayaa afduubatay islamarkaana madaxa ka jartay guddoomiyihii deegaanka Gumarey oo ka tirsan degmada Wajeer gobolka Waqooyi Barri Kenya.

12/23/2020 5:48 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) -Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa sheegay magaalada Muqdisho in aysan xamili karin siyaasad ku dhisan fowdo, isagoo baaq u diray dad uu ku eedeeyay inay dowladnimada qal-qal qalinayaan.

12/23/2020 5:31 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Soomaaliya ayaa heshiis dayn cafin ah la saxiixatay England, Denmark iyo Netherland, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdirahman Ducaale Beyle oo heshiiska u saxiixay Soomaaliya.

12/23/2020 4:17 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa isku raacay muddada xil heynta maamulka in ay noqoto 5 sano kaddib fadhi ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar.

12/23/2020 2:30 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) -Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhaw oo maanta ah u anbaxay dalka Jabuuti, waxaana safarkiisan ku wehlinaya Wasiirka arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Faratoon.

12/23/2020 1:56 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo muddo dheer soo maamulayay tallada dalka ayaa ku dhawaaqay in markii shanaad in uu yahay musharax u taaggan xilka madaxweynaha.

12/23/2020 12:11 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa hadda ka fikireysa in ay dalal kale u weecido ganacsiga Qaadka oo markii hore loo soo dhoofin jiray dalka Soomaaliya, kaddib markii uu go'ay xiriirka labada dowladood Soomaaliya iyo kenya.