3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 23, 2020
Guddiga doorashooyinka Dad ban ee heer federal oo soo saaray jadwalka doorashada aqalka sare
 

Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Guddiga doorashooyinka dad ban ee heer federal ayaa shaaciyay in jadwalka diiwaan galinta tartamayaasha doorashada aqalka sare uu bilaabanayo taariikhdu markay tahay 26-ka bishaan December.

Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga doorashada ayaa loogu gudbiyay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada in ay ugu dambayn 29-ka bishan December soo gudbiyaan liiska murrashixiinta aqalka sare.

Guddigu waxay sheegeen in doorashada xildhibaanada aqalka sare lagu dhameystiridoono inta u dhaxeysa 31 december illaa 6-da January.

Tallaabada xigta waxay tilmaameen in ay noqondoonto diiwaan galinta, xaqiijinta iyo tababarida odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ee soo xulista ergada doorashada aqalka hoose.

Jadwalka doorashada aqalka sare ayaa dib u dhac uu ku yimid, iyadoo horey loogu heshiiyay in ay billaabato kowda bisha december, hase yeeshee khilaafka siyaasadeed ee doorashada ayaa suurtagalin waayay.

Halkaan hoose ka akriso qoraalka guddiga.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected] 












Click here
1/31/2021 10:34 PM EST
Fiidiyowgaan ayaa sharxi doona sida ugu habboon ee loo maareeyo walbahaarkaaga iyo welwelkaaga inta lagu jiro COVID-19. Haddii aad u baahan tahay taageero caafimaadka dhimirka hadda ah:

1/31/2021 9:04 PM EST
(HOL) Xildhibaan Sare Jerry Relph ee gobolka Minnesota ayaa Jimcihii geeriyooday ka dib markii cisbitaalka loo geeyay Covid-19.

12/23/2020 2:23 PM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Midowga musharixiinta dalka ayaa si carro leh uga jawaabay jadwalka doorasho ee ka soo baxay Guddiga doorashooyinka dalka ee aan wali leysku raacsaneyn.

12/23/2020 10:34 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ayaa afduubatay islamarkaana madaxa ka jartay guddoomiyihii deegaanka Gumarey oo ka tirsan degmada Wajeer gobolka Waqooyi Barri Kenya.

12/23/2020 5:48 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) -Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa sheegay magaalada Muqdisho in aysan xamili karin siyaasad ku dhisan fowdo, isagoo baaq u diray dad uu ku eedeeyay inay dowladnimada qal-qal qalinayaan.

12/23/2020 5:31 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Soomaaliya ayaa heshiis dayn cafin ah la saxiixatay England, Denmark iyo Netherland, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdirahman Ducaale Beyle oo heshiiska u saxiixay Soomaaliya.

12/23/2020 4:17 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa isku raacay muddada xil heynta maamulka in ay noqoto 5 sano kaddib fadhi ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar.

12/23/2020 2:30 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) -Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhaw oo maanta ah u anbaxay dalka Jabuuti, waxaana safarkiisan ku wehlinaya Wasiirka arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Faratoon.

12/23/2020 1:56 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo muddo dheer soo maamulayay tallada dalka ayaa ku dhawaaqay in markii shanaad in uu yahay musharax u taaggan xilka madaxweynaha.

12/23/2020 12:11 AM EST
Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa hadda ka fikireysa in ay dalal kale u weecido ganacsiga Qaadka oo markii hore loo soo dhoofin jiray dalka Soomaaliya, kaddib markii uu go'ay xiriirka labada dowladood Soomaaliya iyo kenya.