4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2020
Puntland oo sheegtay in la fashiliyay qaraxyo lala maleegayay magaalada Bosaso


Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Taliska Booliska gobolka Bari ayaa sheegay in ay fashiliyeen Qarax la dhigay mid kamid ah xaafadaha Bosaaso iyo Rasaas iyo Waxyabaha Laga Sameeyo Qaraxyada oo lagu diyaarinayay magalada Bosaaso.

Taliyaha Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay tallabadaan lagu fashiliyay qaraxyada in ay qeyb ahaayeen howgalo wadajir ah oo ciidamada kula dagaalamayeen amni xumada.

Taliyuhu wuxuu sheegay in uu socdo howlgal guri guri loogu baarayo,  si loo xoojiyo ammaanka Boosaaso, wuxuuna shegay intii howgalkaas lagu jiray in ciiddanku heleen qaraxyo iyo rasaas meelo lagu qariyay.

Wuxuu u mahad celiyay shacabka oo kaalin ka qaatay sidii laamaha amniga loogusoo sheegi lahaa xogaha la xiriira qatarta amniga iyo falalka ay maleegayaan kooxaha Alshabab iyo Daacish.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]