4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2020
Midowga musharixinta oo kulan ku leh Muqdisho kaddib rabshadihii dhawaanta ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Talaado, December, 22, 2020 (HOL) -Kaddib rabshadihii cuslaa ee dhawaanta ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa markii ugu horreysay kulan xasaasi ah Muqdisho ku leh midowga musharixiinta mucaaradka ah oo siweyn uga soo horjeeda hannaanka ay dowladda Federaalka u maamuleyso doorashada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka musharixiinta diirrada lagu saari doono arrimaha doorahada iyo waliba rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho oo degmooyinka qaar iska horimaadyo ku dhaxmareen ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysan midowga musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah in ay abaabulayaan qorshayaal nabad-galyada ka dhan ah oo ay rabaa in ay ku carqaladeeyaan nidaamka doorashada, hasse ahaatee dhinaca musharixiinta arintaa waa iska fogeeyeen.

Shirkan Muqdisho uga soconaya ayaa sidoo kale imanaya xili dowladda Soomaaliya ay ciidamo geysay qeybo badan oo ka mid ah magaalada gaar ahaan degmooyinka ay deggan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.

Urur gobolleedka IGAD oo shir ku yeeshay dalka Jabuuti ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay xal waara ka gaaraan arrimaha doorashooyinka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]