4/17/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2020
Warbaahinta Kenya oo qortay in Soomaaliya ku fashilantay in Kenya lagu canaanto shirka IGAD


 

Talaado, December, 22, 2020 (HOL) -Warbaahinta Kenya ayaa qortay in Soomaaliya ay ku fashilantay Isku daygii ahaa in Kenya lagu canaanto shirkii  urur goboleedka IGAD.

War murtiyeedkii kasoo baxay shirkii urur goboleedka IGAD laguma xusin wax ku saabsan ashtakadii Soomaaliya ay ka gudbisay dowladda Kenya ee ahayd in ay faro galin ku hayso midnimada iyo madax banaanida.

Dowladdaha ku shiray magaalada Jabuuti maalintii ayaa waxay weydiisteen Soomaaliya inay diirada saarto jadwalka doorashooyinka iyo sidoo kale barnaamijyada dib u heshiisiinta iyo amniga dalka.

Soomaaliya ayaa dalbatay in koox madaxbanaan oo ka socota IGAD loo diro xadka ay wadaagaan labada dal, halkaas oo ay Soomaaliya ku eedeysay in Kenya ay gacan siiso jabhad, inkastoo eedeyntaas ay Nairobi beenisay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha IGAD ay ku cadaadiyeen Soomaaliya in lagu xalliyo arrinta Kenya wadahadal iyo is afgarad.

Wasiirka wuuxuu sheegay tallaabada ugu horreysa in ay noqon doonto xasilinta xaaladda iyo xiisadda labada dal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected] 











Click here
12/22/2020 3:29 PM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed kadib wada hadalo magaalada Jabuuti ku dhexmaray hoggaamiyaasha labada dal sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

12/22/2020 3:11 PM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa illaa 2500 kamid ah ciidamadeeda badda ah geysay xeebta Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan daabulka 800 oo askari uu Maraykanka kala baxayo Soomaaliya, taliska Maraykanka Afrika ayaa sheegay Talaadadii maanta.

12/22/2020 11:33 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Iyadoo dhawaan uu soo baxay war ku saabsan in dowladda Kenya ay degmada Mandera ku tababareyso maleeshiyaad weerara qeybo ka mid ah gobolka Gedo, ayaa waxaa arintaan ka hadlay bulshada ku dhaqan degmada oo dalbaday in laga saaro deegaankooda Cabdirashiid Janan iyo ciidamada uu watto

12/22/2020 5:55 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Taliska Booliska gobolka Bari ayaa sheegay in ay fashiliyeen Qarax la dhigay mid kamid ah xaafadaha Bosaaso iyo Rasaas iyo Waxyabaha Laga Sameeyo Qaraxyada oo lagu diyaarinayay magalada Bosaaso.

12/22/2020 4:49 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) -Kaddib rabshadihii cuslaa ee dhawaanta ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa markii ugu horreysay kulan xasaasi ah Muqdisho ku leh midowga musharixiinta mucaaradka ah oo siweyn uga soo horjeeda hannaanka ay dowladda Federaalka u maamuleyso doorashada.

12/22/2020 12:50 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaa uu iska horimaad culus xalay fiidkii ku dhaxmaray ciidamo ka wadatirsan dowladda Soomaaliya.

12/22/2020 12:33 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Saraakiisha nabad-galyada dowladda Kenya ayaa sheegay in ay helleen meydka Cumar Aadan oo ahaa sarkaal ka tirsanaa saldhiga degaanka Gumarey oo hoos yimaada Khorof Xaraar.