4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 21, 2020
Senatar ka tirsanaa Aqalka sare ee Soomaaliya oo ka deggay magaalada Hargeysa

 

Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Musfaf  Qodax oo horey uga tirsanaa Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta ka deggay magaalada Hargeysa isaga oo ka soo ababaxay dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta.

Shir jaraa'id oo uu dhawaan qabtay ayuu ku sheegay in uu isaga taggay ama iska casilay ka mid ahaashaha Aqalka Sare ee Soomaaliya kaddib markii uu waayay sida uu hadalka u dhiggay wax garawaashiyo ah oo loo hayo sida uu hadalka u dhiggay shacabka iyo xukuumadda Soomaaliland intaba.

Wuxuu sheegay in markii uu qaatay go'aanka ah in uu isaga taggo Aqalka Sare ee Soomaaliya uu cafis weydiistay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Horay waxaa sidan oo kale magaalada Hargeysa u taggay Maxamed Cumar Carte oo Ra'iisal Wasaare ku-xigeen ka soo noqday dalka , dhinaca kalana ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, isaga oo sheegay in uu isaga baxay siyaasadda Soomaaliya una wareegay dhinaca Somaliland.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]